Kenya la Dagaallamaysa Shimbiro kaga soo Duulay Dalka Hindiya

Shimbiro shisheeye oo duullaan ah,” marka aad maqashid waxay kuula muuqanaysaa sheeko film Hollywood ah laga sameeyay laakiin dadka xeebaha Kenya deggan uma aha khiyaali oo waa u xaqiiqo.

Maamulka halkaasi ka arrimiya ayaa aad uga walaacsan dhibta ay abuureen tukayaasha Hindida ah ee deegaanka kusoo badanaya kuwaas oo tiradoodu soo badanayso. Qorshaha ayaa in la dilo hal milyan oo tuke ah iyadoo la adeegsanayo sun.

Tukayaasha ayaan bartilmaansanin bini’aadamka ilaa iyo hadda, laakiin shimbirahan ayaa muddo tobanaan sano ah sababayay khalkhal baahsan, iyagoo ugaadhsanaya duurjoogta, sidoo kelana ku duullaya goobaha dalxiiska iyo beeraha digaagga.

Sun ayaa hadda laga isticmaalaa magaalooyinka Watamu iyo Malindi si loo dilo shimbirahan. Ololahan sunta ah ayaa looga golleeyahay in lagu hakiyo faafitaanka ay shimbirahani ku soo gaadhayaan magaalada caasimadda ah ee Nairobi.

Shimbirahan, oo xeebta looga yaqaano magacyada “kunguru” ama “kurabu”, waxay ka soo jeedaan Hindiya iyo qaybaha kale ee Qaarada Aasiya. Waxaa la rumaysan yahay in tukayaashan ay isaga kala gudbaan dalalka oo ku faafaan iyagoo sii fuula maraakiibta ganacsi ee isaga kala gooshaya qaaradaha.

Laakiin waxaa la rumaysan yahay in si ula kac ah loogu faafiyay Bariga Afrika qiyaastii 1890-meeyadii si wax looga qabto dhibaatada qashinka ee jasiiradaha Zanzibar, oo markaas ahayd maxmiyad Ingiriis ah.

Halkaa ayayna uga fideen dhul-weynaha ilaa ay kasoo gaadheen xeebaha Kenya.

Waxaa markii ugu horreysay lagu diiwaan geliyay dekedda Mombasa 1947-kii, wixii intaas ka dambeeyayna, tiradoodu waa ay korortay , taas oo ay ugu wacan tahay tirada dadka oo sii kordhaysa iyo xarumaha qashin ah oo la socda, kuwaas oo siinaya jawi ku habboon oo ay shimbiruhu ku quudin karaan kuna tarmi karaan.

Tukahan Hindiga ah ayaa loo arkaa mid ka mid ah shimbiraha adduunka ugu waxyeelleeyada iyo burburinta badan.

“Waxay ugaadhsadaan noocyada wadaniga ah, kaliya maaha shimbiraha, laakiin sidoo kale naasleyda, xamaaratada, sidaas darteed saameyntooda kala duwanaanshaha noolaha waa mid aad u xun,” ayuu BBC-da u sheegay Jaap Gijsbertsen, oo ah khabiir ku takhasusay shimbiraha xilli uu booqanayey deegaanka Watamu ee Kenya.

Khubarada ilaalinta xayawaanada iyo deegaanka ayaa sheeegay in tukuhu uu si weyn hoos ugu dhigo tirada shimbiraha kale, isagoo waxyeello u gaysta buulasha ay dhistaan shimbaraha kale isagoo dalooliyo ka dibna uu bartilmaameedsado beedka iyo xitaa digaaga.

Lennox Kirao, oo ah saynisyahan cilmi-baadhis ah oo ka tirsan kooxda ilaalinta A Rocha Kenya, ayaa xusay in tirada dhimashada shimbiraha oo hoos u dhacdaa ay deegaanka ku keeni karto kororka cayayaanka waxyeellada leh ee shimbiruhu ugaadhsadaan.

Eunice Katana, oo deggan tuulada Takaye ee ismaamulka Kilifi ee dalka Kenya, ayaa sheegtay in kuwaan aan la odhan karin shimbiro caadi ah “Waxay ku boodaan digaagga waxayna u cunaan sidii dad waalan oo kale.

Tukayaasha ayaa isu adeegsada cod gaara marka ay xidhiidhayaan ama ay isugu yeedhayaan ugaadhsi sida uu sheegay Kirao.

Shimbirahan ayaa guryaha ku yaalla magaalada Mombasa ee dalka Kenya waxa ay ku saxaroodaan darbiyada iyo saqafka sare ee guryaha, halka dad badanina ay ka fogaadaan in ay hoos fadhiistaan hadhka geedaha iyaga oo ka baqaya in dusha sare kaga soo tuuraan xaarkooda

“Tukayaashani waxay soo kacaan goor hore, waxayna hurdada nooga qasaan qaylo dheer oo ay si siman u qaylinayaan,” ayuu BBC-da u sheegay Victor Kimuli oo deggan magaalada Mombasa.

Marka la eego arrimahan oo dhan, masuuliyiinta waxay dareemeen inay ku qasban yihiin inay wax ka qabtaan tukahan hindigaa iyagoo adeegsanaya sun qorshahan oo bilaabay talaadadii.

Tani waxay daba socotaa latashiyo billooyin ah oo lala yeeshay khubarada ilaalinta deegaanka, hogaamiyayaasha bulshada iyo wakiilo ka socda hoteelada, ayaa lagu yidhi bayaan ka soo baxay Adeegga Duurjoogta Kenya (KWS).

“Waxaan isku dayeynaa inaan hoos ugu dhigno shimbirahan oo laga dhigo tiro la xakameyn karo,” ayuu yidhi Mr Kirao.

Ku dhawaad 2,000 oo tuke ayaa la dilay sanadkii 2022-kii intii lagu guda jiray baadhitaanno lagu sameeyay sunta ay sameysay Little Kenya Gardens, shirkadda shatiyaysan inay soo dejiso suntan.

Waxaa la sheegay in hadda dalka ay taallo sun loogu talagalay inay disho ilaa labo kun oo tuke ah basle qorshaha xiga ayaa ah in suntan laga soo dajiyo dalka New Zealand.

Dadka u dooda xaquuqda xayawanaadka ayaa tallaabadan walaac ka muujiyey gaar ahaan isticmaalka suntan

“Ku-sumowga tirada badan waa xal muddo gaaban ah oo aan ka hadlin sababta asaasiga ah ee dhibaatada,” ayuu yidhi Leonard Onyango oo ah u doode arrimaha deegaanka ah.

Wuxuu intaa raaciyey inay jiri karaan habab kale oo ka sahlan oo looga hortagi karo taranka badan ee tukaha.

Laakiin kuwa ku lugta leh barnaamijka ayaa xoogga saaraya baahida loo qabo ilaalinta noocyada asalka ah iyo hubinta dheelitirka deegaanka.

“Haddii aynaan hadda waxba samayn, waxyeelladu waxay noqonaysaa mid aan laga soo kaban karin,” ayuu yidhi Mr Kirao, oo ku hawlan barnaamijkan.

Ma ahan markii ugu horeysay oo ay dowladdu bilowdo qorshayaal lagu xakameynayo noocyada shimbiraha ee duullaanka ah.

Marka laga soo tago goobaha qashinka ee ay tukayaashu wax ka quutaan, meelaha kale ee inta badan jecel yihiin waa goobaha huteelada ah ee loo dalxiis tago iyagoo mararka qaar carqalad galiyada dadka dalxiisayaasha ah markii loo keeno cunooyinka, mulkiiyasha ayaa tiro dhowr jeer ka cowday tukaha.

“Shimbirahan ayaa runtii dhib weyn ku haya martida soo booqata huteeladayada si ay ugu raaxaystaan cuntadooda meellaha kulaala xeebaha,” ayuu yidhi Maureen Awuor, oo ah guddoomiyaha Ururka Kenya ee Hoteellada.

Hoteelada qaar ayaa khaati ka taagan tukaha iyagoo samaystay shaqaale kala eryo markay ku soo xoomaan, kuwaas oo waraf u adeegsada.

Tallaabadan lagu beegsanayo tukayaasha ayaa lagu sheegay mid waxtar leh, maadama tukuhu yihiin kuwo feejigan oo ay ka fogaaadaan meelaha ay ku arkaan in tuka kale ku dhimanayo.

Inkasto oo masuuliyiintu qorsheeyeen in la dhimo tirada tukaha haddana waxay dareemayaan in aanay jirin wax kale oo doorasho ah. Waxaa kale oo jira walaac laga qabo inuu ku fido gudaha dalka

Shimbiraha ayaa lagu arkay deegaanka Mtito Andei – oo qiyaastii 240km u jirta caasimadda Nairobi, sida ay sheegeen dadka la socda.

“Cabsida ugu weyn ayaa ah, haddii aan hadda waxba la qaban, tukuhu wuxuu gaadhi doonaa Nairobi, tani waxay khatar weyn ku noqon doontaa shimbiraha ku nool dalka, gaar ahaan beerta Qaranka ee Nairobi,” ayuu yidhi Mr Kirao.

Tukaha ayaa ka mid ah shimbiraha ku nool dalal ku yaalla bariga Afrika, Soomaaliya ayaa ka mid dalalk uu tukuhu uu caanka ka yahay wallow sida daraasaduhu muujiyaan uu sii yaraanayo.

Tukaha, waxaa sidoo kale loo tiriyaa mid leh caqli badan, feejignaan dheeri ah iyo xeeladaysi gaadha.

 

 

 

Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com