Mareykanka iyo Ruushka oo Sameeyay Isweydaarsi Maxaabiis oo Taariikhi ah

Maraykanka iyo Ruushka ayaa is weydaarsaday in ka badan 20 maxbuus oo ay ika kala hayeen qaarkoodna laga sii daayay xabsiyo ku yaalla Yurub, taasoo ka dhigtay is-weydaarisigi ugu ballaarnaa oo ay labadan dal sameeyaan tan iyo burburki Midowgii Sofiyetka.

Heshiiskan caalamiga ahaa oo ay ku lug lahaayeen dhowr waddan, ayuu Ruushka kusoo daayay Evan Gershkovich, oo ah saxafi u shaqeeya wargeyska The Wall Street Journal iyo Paul Whelan oo Maraykan ah, iyo Vladimir Kara-Murza, oo ka mid ah dadka sida weyn u naqdiya Putin, balse heysta deganaashaha Mareykanka.

Maxaabiista ay Moscow sii deysay ayaa waxaa sidoo kale ku jirta, Alsu Kurmasheva oo ah wariye u shaqeysa warbaahinta Radio Free Europe/Radio Liberty, oo mataan la ah VOA. Alsu ayaa isku heysata dhalashada Ruushka iyo Mareykanka.

Oleg Orlov, oo ah rug-caddaa muddo u ololeynayay xuquuqda aadanah Ruushka iyo Ilya Yashin, oo si aada u diiday duulaanka Ruushka ee Ukraine ayaa ka mid ahaa dadka laga sii daayay xabsiyada Ruushka.

Dhanka Ruushka, maxaabiista loo sii daayay waxaa ka mid ahaa Vadim Krasikov, oo sannadki 2021-ki lagu xakumay dalka Jarmalka, kaddib marki lagu eedeeyay inuu xaddiiqad ku taallo magaalada Berlin ku dilay, sarkaal horay uga tirsanaa jabhaddii Jeejniya ee Ruushka. Vadim ayaa lagu xakumay xabsi daa’in.

Ruushka waxaa kaloo loo gacan geliyay saddex nin oo ku jiray xabsiyada Mareykanka oo uu ku jiro Roman Seleznev, oo ku eedeysnaa inuu hadda ka hor usoo dhacay kambayuutarrada dowladda Mareykanka. Slovenia, waxay sii deysay laba nin oo ku eedeysnaa jaajuusnimo.

Norway, ayaa sii deysay cilmi-baadhe Ruush ah oo ku eedeesnaa basaasnimo, halka Poland ay fasaxday nin ku eedeesnaa howlo jaasuusnimo ah.

Dhammaan maxaabiista ay dhinacyada is weydaarteen ayaa waxaa fududeysay Dowladda Turkiga, waxana lagu kala wareegay dadkaasi gudaha magaalada Ankara.

Madaxwenaha Mareykanka Joe Biden ayaa is weydaarsiga maxaabiista ku sheegay mid ku yimid heshiis adag. Wuxuu kaloo tusaale awood badan ku sheegay sababta ay muhiim u tahay in saaxibbo lagu yeesho dunida.

Maxaabiistii Mareykanka ee Ruushku sii daayay oo qoysaskooda la midoobay

Saddex Ameerikaan ah oo lagu sii daayay heshiis jmaxaabiis is dhaafsi lala galay Ruushka, oo uu ka mid yahay weriyaha Joornaalka Wall Street Evan Gershkovich, ayaa dib cagta usoo dhigay carrada Mareykanka.

Mr Gershkovich, oo 32 jir ah, wuxuu ka mid ahaa 16 maxaabiis oo lagu beddeshay siddeed Ruushka u dhashay tanoo lagu tilmaamay maxaabiis is dhaafsigii ugu weynaa tan iyo dhammaadkii Dagaalkii Qaboobaa ee dhex maray Ruushka iyo Galbeedka.

Maxaabiis is dhaafsigan oo ka dhacay saldhig ku yaalla Turkiga ayaa waxaa sidoo kale dadka la sii daayay ka mid ah Paul Whelan oo hore uga tirsanaa ciidamada badda Mareykanka iyo gabadhada weriyaha asalkeedu Ruushka yahay ee dhalashada Mareykanka heysata Alsu Kurmasheva.

Kadib markii ay soo cago dhigteen saldhigga Joint Base Andrews, oo ku yaalla Maryland, Mr Gershkovich, Ms Kurmasheva iyo Mr Whelan ayaa kasoo baxay diyaaradda iyadoo ay aad usoo dhoweeyeen qoysaskooda

Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden ayaa u mahad celiyay xulafadiisa oo uu sheegay in ay sameeyeen shaqo adag oo ku aadan in la sii daayo maxaabiis ku xirnaa dalka Ruushka.

Wuxuu sheegay in maalintaan ay muhiimad gaar ah u leedahay qoysaska ay dadkooda kala maqnaayeen, balse hadda dib u midoobaya.

Paul Whelan oo hore uga tirsanaan jiray ciidamada badda Mareykanka ayaa ahaa qofkii ugu horeeyay ee Mareykan ah oo ka degay diyaarad gaysay Mareykanka, waxaana ku soo dhaweeyay garoonka madaxweyne Biden iyo madaxweyne ku xigeenka Kamala Harris..

Sidoo kale ehelada maxaabiista la sii dayay ayaa tubnaa garoonka si ay u soo dhaweeyaan xubnaha ka maqnaa ee hadda la sii daayay.

Kamala Harris ayaa maalintaan ku tilmaantay maalin weyn oo farxadeed.

Labada dhinac ayaa is dhaafsaday ilaa 24 maxbuus oo 16 ka mid ah ay reer galbeed yihiin, halka sideedda kalena ay Ruushka u dhasheen.

Dhinaca kale Madaxweyne Ruushka Vladimir Putin ayaa isna garoonka diyaaradaha ee magaalada Moscow, ku soo dhaweeyay maxaabiis u dhashay dalkiisa oo xabsiyada laga sii daayay kadib markii Ruushka iyo Reer galbeedku sameeyeen is waydaarsigii ugu ballaarnaa ee dhanka maxaabiista.

Arrintaan ayaa ku timid wadahadallo muddo socday oo dowladda Turkigu ay door weyn ku laheed.

 

 

 

 

 

Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com