Khilaafka Khaliijka: Halkee ayuu marayaa wada-xaajoodkii ay wadeen Maraykanka iyo Kuwayd

 

Khilaafkii Khaliijka ayaa wali taagan, mana muuqdaan astaamo muujinaya in uu dhakhso u dhammaanayo. Afartii dawladood ee Gadar go’doomiyey wali go’aankoodii kama ay noqon, Gadar-na dalabaadkoodii uma ay joojin.

Kadib markii Kuwayd oo ahayd dhexdhexaadiyaha muhiimka ah uu arrinkii ku adkaaday, waxa hadda dusha kaga soo booday Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka oo isku dayaysa in ay khilaafka dhammayso.

Toddobaadkan waxa booqasho afar maalmood ah Khaliijka ku joogay Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka Rex Tillerson. Ugu horrayn wuxu la Kulmay Kuwayd, haddana Gadar, haddana afarta dawladood ee go’doominta sameeyey.

Rex Tillerson ayaa sheegay in uu Arbacadii Sucuudiga u tagay si uu ugu kuur galo fursadaha suurtogalka ah ee lagu xalin karo arrinkan murugsan laakiin aanay ujeeddadiisu ahayn in uu xal degdeg ah keeno.

Sarkaal ka tirsan boqortooyada Sucuudiga ayaa isaguna sheegay in booqashada Tillerson ay tahay dab-damis laakiin Khilaafka Khaliijku uu sii quusayo isla markaana laga yaabo in uu gaadho meel aanu ka soo laaban karin.

Maraykanka ayaa Salaasadii Gadar la saxeexday heshiis dhigaya in aan la maalgelin karin kooxaha argagixisada ah, laakiin heshiiskaas Sucucudigu wuxu ku tilmaamay mid aan ku filnayn in uu xal keeni karo.

Waxa haatan la filayaa in Kuwayd iyo Maraykanku wada-hadallo wareeg labaad ah gudo galaan, kaas oo ay dhici karto in uu ka wax-ku-oolsanaado wareegi koowaad oo sida muuqata aan wax natiijo ah laga gaadhin.

Hase  ahaatee dibloomaasiyiinta ka faallooda arrimaha Khaliijka ayaa sheegay in heshiiskaasi uu guul u ahaa Gadar, isla markaana uu meesha ka saarayo shaki kasta oo uu Maraykanku Gadar ka qabi lahaa.

Dhinaca kale, Sucuudiga aya Hay’adda Xuquuqda Aadamaha u Qaabilsan Qaramada Midoobay ee magaceeda loo soo gaabiyo UNHRC u gudbiyey dacwad ka dhan ah telefishanka Al-Jazeera, kaas oo ay ku tilmaameen in uu taageero argagixisada isla markaana uu sababay burbur badan iyo cawaaqib dhinaca bani’aadamnimada ah oo ka dhashay tebintiisa.

Gadar ayaa iyaduna horey dacwad ugu gudbisay UNESCO oo ah Hay’adda Qaramada Midoobay u Qaabilsan Waxbarashada, dacwaddaas oo ku salaysan arday kumanaan ah oo khilaafkan ku waayey xuquuqdoodii aadaminimo.

Dacwadahan iyo weedhaha ay labada dhinac is waydaarsanayaan ayaa muujinaya in aanu labada dhinac midnaba debac ka jirin, taasina ay sababi karto in khilaafku uu bilo ama sannado sii socdo.

Bandhige kala soco wixii hadba khilaafka Khaliijka ka soo kordha.

Bandhige@gmail.com