Madaxwayne-xigeenka SL ahna ku-simaha Madaxwayanaha ayaa maanta kormeer ku tagay Gobolka Gabiley

Ujeedada kormeerka Madaxwayne ku-xigeenka ayaa waxay daarnayd inuu u kuurgalo isla markaana uu xogogaal u noqdo qaabka ay Gobolka Gabiley uga socdaan hawlaha qaybinta kaadhka doorashooyinka iyo arrimaha u  baahan wax ka qabasho.

Waftiga uu hogaaminaayey Madaxwayne ku-xigeenka waxa ku wehelinayey Wasiiro, Afhayeenka Madaxtooyada JSL , Wasiir ku-xigeeno, iyo Agaasimayaal  kuwaasoo dhamaantood shacab weynaha ku dhaqan deegaanadaasi si mug leh ugu wacyi geliyay sidii ay xil iskaga saari lahaayeen qaadashada kaadhka Codbixinta Doorashooyinka Madaxtooyada.

Madaxwayne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa bulsho weynta ku dhaqan Gobolka Gabiley uga mahad celiyay soo dhawaynta qiimaha leh ee ay ku maamuuseen isagoo dhanka kalena si weyn ugu wacyi geliyay inay qaataan kaadhka codbixinta waxaanu yidhi madaxwayneku-xigeenku “Aad baan idiinkaga mahad celinaynaa sida qiimaha leh ee aad noosoo dhawayseen iyadoo ay wakhti danbe tahay, waxaanu Gobolka Gabiley aanu u imi waa arrin kaliya oo ah sidii aad u qaadan lahaydeen kaadhka codbixinta doorashada oo xaq kuu siinaya inaad doorato qofka aad la jeceshahay inuu dalka hogaamiyo, olole umaanaan iman waxaan idinku boorinayaa inaad hogaaminta dalkiina wax ku lahaataan oo aad qaadataan kaadhka oo aydaan iska qoomamayn biri ka maalin” ayuu yidhi mufane Cabdiraxmaan Saylici.

Sidoo kale Madaxwayne ku-xigeenka ayaa kulan balaadhan la qaatay waxgaradka iyo haldoorka Gobolka Gabiley, kulankaasi oo ahaa mid ay labada dhinac kaga wada hadlayeen horumarinta adeegyada bulshada ee Gobolka Gabiley.

Xuseen Adan Cige (Deyr),

Afhayeenka Madaxtooyada JSL

 

Naasir Yuusuf Daahir 

General Director Media of the Presidential

Hargeisa – Republic of Somaliland

 

Email: naska2007@hotmail.com

nasirnaska77@gmail.com

Tell: 63-4423774

https://www.facebook.com/XafiiskaAfHayeenkaMadaxtooyadaJsl?ref=hl

http://www.somalilandnation.net/