Kiiniya: 24 qof ayaa ku dhintay shil gaadhi

ย 

Afar iyo labaatan ruux ayaa dhimatay tiro kalena way ku dhaawacantay shil baabuur oo ka dhacay wadada wayn ee isku xidha Nairobi iyo magaalo xeebeedka Mombasa.

Shilkan ayaa ka dhashay kadib markii ay isku dhaceen bas iyo gaadhi waday gaaska cuntada lagu karsado.

Taliyaha booliiska aagaas Leornard Kimaiyo ayaa BBC-da u sheegay in 23 ruux ay ku dhinteen isla goobtii uu shilku ka dhacay mid kalena uu cisbitaalka ku nafwaayay.

Dadka dhintay waxay kala yihiin labaatan ruux oo qaan gaadh ah iyo saddex carruur ah.

Dadkii ku dhaawacmay shilka ayaa loola cararay isbitaalada ka agdhaw goobtaas.

Sannadkaste 3,000 oo ruux ayaa Kiiniya ugu dhimata shilalka wadooyinka ka dhaca sida ay sheegtay waaxda qaran ee gaadiidka iyo badqabka Kiiniya ee magaceeda loo soo gaabiyo NTSA.

bandhige@gmail.com