Kiiniya haweeney caan ku ahayd ilaalinta deegaanka ayaa la dhaawacay

 

Rag hubaysan ayaa badhtamaha Kiiniya ku dhaawacay Kuki Gallmann, oo ah haweeney ka shaqeysa ilaalinta deegaanka isla markaana qoraa ah.

Waxa lagu soo warramayaa in lagu toogtay beer ay ku leedahay deegaanka Laikipia, dhaawaceedana diyaarad loogu soo qaaday cisbital ku yaalla Nayroobi.

Bishii lasoo dhaafay, ayaa dabley la rumaysan yahay in ay xoolo dhaqato yihiin waxa ay gubeen huteel loo dalxiis tago oo ay Ms Gallmann ku leedahay deegaankaasi.

Kuki Gallmann ayaa dabayaaqadii todobaatameeyadii waxa ay kasoo guurtay Talyaaniga, iyadoo degtay dalka Kiiniya.

Waxa ay ku caanbaxday xusuus-qorkeedii “Waxaan ku riyooday Afrika” kaasoo laga sameeyay filim ay jishay atirishada Maraykanka ah ee Kim Basinger.

Milkiilayaasha seeraha ee deegaanka Laikipia ayaa ka dalbaday dowladda Kiiniya in wax ka qabto ammaan darrida, xilli ay dad xoolo dhaqata ah xoog ku haystaan qeybo ka mid ah seerahaasi.

bandhige@gmail.com