Macron iyo Marine waxay iskugu soo hadheen wareega doorashada Faransiiska

 

Emmanuel Macron oo siyaasaddiisu dhexdhexaad tahay iyo Marine Le Pen oo siyaasaddeedu midig fog tahay ayaa isugu soo hadhay wareegga ugu dambeeya ee doorashada madaxtinimada Faransiiska oo dhacaysa 7 bisha May, sida ay muujinayso natiijada wareegga koobaad oo inteeda badan la tiriyay.

Iyadoo la tiriyay 96% ka mid ah codadkii la dhiibtay doorashaddii wareegga koobaad ee Axaddii dhacday ayaa Macron wuxuu helay 23.9% halka Le Pen ay ka heshay 21.4%.

Aragti ururin la sameeyay ayaa si joogto ah u muujinayay in Macron uu ku guulaysan doono wareegga labaad.

Labadan murashax ee isu soo hadhay ayaa hardan adag la soo galay Franรงois Fillon oo siyaasaddiisu midig dhexe tahay iyo Jean-Luc Mรฉlenchon.

Qofkii doonaba ha ku guulaysto wareegga labaad ee codayntan ayaa xaqiijisay in dadku ay ka weecdeen xisbiyada siyaasaddoodu bidix iyo midig dhexe kala tahay oo in badan soo maamulayay Faransiiska.

Inkastoo wakhti dheer loo arkayay in Le Pen ay kaalinta labaad ka gali doonto doorashada madaxtinimada, laakiin soo shaac bixidda Macron ayaa ahayd mid si dhakhso ah u dhacday.

Weriyaha BBC Hugh Schofield oo doorashada Faransiiska ka soo warramaya ayaa sheegaya in waxa lagu sheekaysanayo ay tahay macquulnimada in Macron uu guulaysto.

Macron oo la hadlaya dad aad ugu riyaaqsan ayaa u sheegay in wejigii siyaasadda Faransiiska sannad ayaan ku badalnay, dadkana wuxuu ugu baaqay in ay ka soo horjeedsadaan waddaniyadda xagjirka ah.

Marcon ayaa Wasiirka dhaqaalaha ka soo noqday xukuumadda hadda jirta ee uu hoggaamiyo madaxweyne Francois Hollande, markii dambena wuu iska casilay si uu u billaabo xisbi siyaasadeed oo cusub.

Hadda ka hor weligii uma tartamin doorasho haddii uu guulaystana wuxuu noqon doonaa madaxweynihii ugu da’yaraa abid ee Faransiiska soo mara.

Wuxuu taageersan yahay ka sii mid ahaanshaha Midawga Yurub, wuxuuna ku baaqay isbedel joogto ah oo lagu sameeyo dhaqaalaha Faransiiska iyo qorsheyaal maalgalin oo ay ku baxayaan balaayiin doolarka Maraykanka ah.

bandhige@gmail.com