Kim Jong-un wuxu kulan ku casuumay madaxweyne Trump

Madaxweynaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong-un, ayaa warqad u diray madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, isagoo ka codsaday kulan daba socda kulankoodii hore ee taariikhiga ahaa, sida uu sheegay aqalka cad.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in markii horeba ay ka fikireysay wakhtiyeynta kulan cusub.

Afhayeenka aqalka cad, Sarah Sanders, ayaa sheegtay in “warqadda loo qoray sida diirran” ay muujisay sida ay xukuumadda Pyongyang “wali diyaar ugu tahay barnaamijka burburinta Nukliyeerka”.

Wax faahfaahin ah kama aysan bixinnin goorta ay labada madaxweyne kulankooda labaad yeelan doonaan iyo goobta ay ku yeelan doonaan toona.

“Soo jeedintan aasaasiga ah ee lagu soo gudbiyay warqadda waxaa nalooga codsaday jadwaleynta kulan hor leh oo lala yeelanyo madaxweynaha, arrintaasoo aan annaguba sii qorsheyneynay” ayay tiri Ms Sanders.

Wada xaajoodyada ku saabsan mowduucaas ayaa u muuqday kuwo hakad galay ka dib markii ay labada hogaamiye bishii June kulan taariikhi ah ku yeesheen waddanka Singapore.

Dhanka kale, Madaxweynaha Kuuriyada Waqooyi, Moon Jae-in, ayaa soo dhaweeyay warkan, isagoo sheegay in “dhameystirka wada xaajoodka hubka Nukliyeerka looga burburinayo gacanka Kuuriya ay tahay arrin aasaas u ah xal u helidda ismaan dhaafka Mareykanka iyo Kuuriyada Waqooyi”.

Mr Moon ayaa aad ula dhacsanaa dhex dhexaadinta labada hogaamiye iyo kulankii ay ku yeesheen Singapore bishii Juun, waxaana la filayaa in isaga qudhiisa uu Mr Kim la kulmo isbuuca soo socda.

Is araggooda oo ka dhacaya magaalada Pyongyang ayaa noqon doona wareeggii sadexaad ee ay si fool-ka-fool ah wada hadal isugu yimaadaan labada madaxweyne ee Kuuriyada Koonfureed iyo Kuuriyada Waqooyi.

Wariyaha BBC-da ee magaalada Seoul Laura Bicker ayaa sheegtay in Mr Moon uu isku arko qof dhex dhexaadinaya labada dhinac, wuxuuna mid walba ku boorrinayaa inuu tanaasul sameeyo.

Warqadda ka timid Pyongyang ee gaartay aqalka cad ee looga arrimiyo Mareykanka ayaa ku soo aaday maalin ka dib markii Yukiya Amano, oo ah madaxa guddiga la socodka Nukliyeerka ee Qaramada Midoobay uu sheegay in dhaqdhaqaaqyada Nukliyeerka ee Kuuriyada Waqooyi ay carqaladeeyeen qaraarkii Qaramada Midoobay ay ku mamnuucay Hubkaas.

‘Mid aad u diirran, oo dhinaca fiican ah’

Ms Sanders ayaa sidoo kale ammaantay dhoolla tuskii milatari ee ay dabayaaqada usbuuci la soo dhaafay sameysay Kuuriyada Waqooyi, iyadoo sheegtay in “markii dhinac laga eego uusan dhoolla tuska ku jirin hubka Nukliyeerka”. Waxay arrintaas ku tilmaantay iney ku timid “guusha ka soo hoyatay” dadaalkii uu bixiyay madaxweyne Trump.

Milateriga Kuuriyada waqooyi sooma bandhigin madaxyada Nukliyeerka
Milateriga Kuuriyada waqooyi sooma bandhigin madaxyada Nukliyeerka

Milatariga Kuuriyada Waqooyi ayaa dhoolla tuskaas ku soo bandhigay ciidamo iyo gaadiid, hase ahaatee qeyb kama aysan ahayn gantaallada riddada dheer ee xambaara madaxyada Nukliyeerka.

Mr Trump ayaa qudhiisa mahadnaq u jeediyay hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi isagoo adeegsanayay bartiisa Twitter-ka, wuxuuna sheegay in dhoolla tuskaas uu ahaa “mid weyn oo dhanka fiican laga abbaaray.”

“Mahadsanid gudoomiye Kim. Labadeennuba waxaan caddeyn doonnaa inuu qof kasta khaldanyahay!”. Ayuu yiri Trump.

Wixii ka dambeeyay kulankii ay labadan hogaamiye ku yeesheen Singapore waxaa socday dadaallo lagu sii xoojinayay heshiiskii ay gaareen, in kastoo Piyongyang ay dhankeeda ka cabaneysay in aan sidii loo baahnaa looga dhabeynin sii amba qaadista heshiiska.

Wadahadallada heerka sare ah ayaa sii socday, balse safar uu xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Mike Pompeo ku tegi lahaa Kuuriyada Waqooyi ayaa la baajiyay daqiiqaddii ugu dambeysay.

Dhawaanahaanba waxaa isa soo tarayay eedeymaha ay labada dhinac isugu jeedinayeen curyaaminta wada xaajoodyada.

Xigasho: BBC Somali