Komishanka Doorashooyinka Qaranka wuxu ku dhawaaqeen bilowga wacyi-gelinta qaadashada kaadhka codbixiyaha ee Gobolka Maroodi-jeex

 

Xaflada ay soo agaasimeen ururada ka shaqaynaya wacyi-gelinta qaadashada kaadhka codbixiyayaasha oo wada jir ay u soo qaban qaabiyeen ururada Y-PEER iyo ADAMS ACADEMY ayaa waxay komishanka doorashooyinka doorashooyinku ku dhawaaqeen bilowga wacyi-gelinta diwaangelinta codbixiyayaasha.

Urur horeyn waxa kulankaa ka hadlay Yuusuf oo ka socday ururka  oo taafaasiil ka bixiyey qaabka kaadh qaadashada u dhaxayso Gobolka Maroodi-jeex iyo wakhtiga ay soconayso.

Sidoo kale waxa isagu madasha ka hadlay Agaasimaha ururka Somaliland Y-PEER Maxamed Mahad Dhamac oo ku dheeraad muhiimada ay leedahay qaadashada kaadhka codbixiyayaashu taasin oo ku sifeeyey in ay ka mid tahay hannaanka dimuqraadiyada ee ay Somaliland ku dhaqan tahay.

Sidoo kale Maxamed Dhamac waxa uu ku dheeraaday doorka guddiga xaafada, cuqaasha, salaadiinta, haween iyo dhallinyarada ay muhiim u tahay qaadashada kaadhka codbixiyayaashu, sidoo kale Maxamed Dhamac waxa uu u mahadceliyey Ha’yadda Creative oo maalgelisay mashruucan wacyi-gelinta qaadashada kaadhka codbixinta oo deeqdaasi bixisay ha’yadda USAIDS.

Dhanka waxa kulan ka hadashay Muna Bile Xirsi oo ka socotay komishanka doorashooyinka Qaranka gaar ahaan qaybta wacyi-gelinta Komishanka, waxaanay Muni ka waranay goorta ay bilaabmay qaadashada kaadhka codbixinta.

Waxa kale oo kulan ka hadlay Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex Cabdilaahi Jibril Gaaxnuug “Buraale” oo ugu baaqay bulshada Gobolka Maroodi-jeex in ay si mugleh uga qayb qaataan wacyi-gelinta iyo kaadh qaadashadaba.

Guddoomiyuhu wuxu ku xeel-dheeraada muhiimada kaadh qaadashadu leedahay iyo baaxadda Gobolka Maroodi-jeex taasi muhiimad gaar ah u leh doorashada.

Sidoo kale waxa ka hadlay kulankaasi Xoghaya Gobolka Maroodi-jeex Maxamed-Deeq Cabdi Muuse, waxa uu Xoghaya ku nuux-nuuxsaday kulankani waxa uu daaran yahay iyo muhiimada ay uu leeyahay bulshada Gobolka.

Waxaanu ugu baaqay bulshada Gobolka in ay qayb laxaadleh ka qaataan qaadashad kaadh qaybinta.

Kulanka ayaa waxay bulshada su’aalo ku waydiisay xubnihii daadihinay kuwaas oo su’aalaha dhammaantooda looga wada jawaabay.

bandhige@gmail.com