Komishanka Doorashooyinka Qaranku waxay qabteen xaflada daah-furka qaybinta kaadhadhka codbixiyayaasha Gobolka Maroodi-jeex

 

Komishanka Doorashooyinka Qaranku waxay maanta ka daah-fureen bilowga qaadashada kaadhka codbixinta gobolka ee Maroodi-jeex. Xafladan Gobolka maroodijeex waxa ka soo qayb galay Madaxweyne-ku-xigeynka Somaliland ahna ku simaha Madaxweynaha, Saddexda xisbi qaran, hay’adaha kala duwan masuuliyiin, ardayda jaamacada ee ka qayb-galaysa kaadh qaybinta gobolka iyo bulshada inteeda kaleba.

Dhammaan masuuliyiintii halkaas ka hadlay waxa ay bulshada labad gobol Maroodijeex iyo Togdheer oo mar laga wada bilaabi doono kaadh qaadashada ugu baaqayn in ay ka faa’iideystaan fursadan kaadh qaadashada, sidoo kalana la shaqeeyaan KDQ una fududeeyaan sidii ay bulshada u gaadhsiin lahaayeen kaadhaka codbixiyaha.

Waxa gabagabadii Gudoomiyaha kDQ oo ka hadlay labadii gobol ee Awdal iyo Saaxil kuna amaanay sida hufan ee ay uga qabsoontay kaadh qaadashadu, kuna dhiiri galiyay labada gobol ee Maroodijeex iyo Togdheer in ay ka faa’iideystaan fursada kaadh qaadashada ee bilaabmi doonta 8-da July 2017.

Gabagabadii waxa soo afmeeray kulankan Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland kuna amaanay KDQ hawsha baaxada leh ee ay u hayaan bulshadana, sidoo kalena waxa uu bulshada ugu baaqay in ay kaadhka qaataan.

bandhige@gmal.com