Masuuliyiin ka tirsan xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE waxay Degmada Daarsalaam ku qabteen kulan wacyi-gelineed oo ku saabsan qaadashada Kaadh codbixiyayaasha

 

Masuuliyiin ka tirsan xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE, ayaa olole wacyigelinta kaadh-qaadashada codbixinta ah ka sameeyey degmad Daarsalaam ee Gobolka Maroodi-jeex oo hawsha bixinta kaadhadhku ka bilaabi doonto Sabtida, iyadoo sidoo kalena ay isla waqtigaasi ka bilaabmayso Gobolka Togdheer.

Xaflad ballaadhan oo loo sameeyey wacyigelinta qaadashada kaadhadhka oo lagu qabtay xarunta degmada Daarasalaam maanta, kana qaybgaleen Wasiirka Caddaaladda Md. Axmed Faarax Cadare, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Boosaha iyo Is-gaadhsiinta Md. Faysal Cali Sheekh, Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Maxamed Cali Daarood, Eng. Axmed Cali Dable, Guddoomiyaha Garabka Haweenka heer Qaran ee KULMIYE Marwo Canab Cumar Ileeye, madaxda Gobolka Hargeysa ee KULMIYE iyo saraakiisa kale oo xisbiga ah, waxa halkaasi isugu soo baxay dadweynaha reer Daarsalaam oo si wayn u muujiyey cudduda taageeradaado ay u hayaan xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisa.

Masuuliyiintaasi oo hadallo uga jeediyey dadweynaha, ayaa farriimo wacyigelin qaadashada kaadhka codbixinta ah u jeediyey bulshada ku dhaqan degmada Daarasalaam.

bandhige@gmail.com