Weftigii uu hoggaaminaayey murashaxa Madaxweyne ee WADDANI ayaa lagu soo dhoweeyey Burco

 

Wefti ballaadhan oo uu hoggaaminaayey Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI oo maanta socdaal ugu baxay gobalka Togdheer, ayaa galabta si ballaadhan looggu soo dhaweeyey magaalada Burco ee xarunta gobalkaasi.

Weftigan oo guddoomiye Cirro ay ku wehelinaayeen hoggaamiyaha Xisbigaasi Xirsi Cali Xaaji Xasan, saraakiil ka tirsan hoggaanada, guddiyada fulinta, garabbada haweenka iyo dhallinyarta, ayaa intii ay socdaalka ku jireen waxa si weyn looggu qaabilay dhammaan ba tuulooyinka iyo degmooyinka u dhaxeeya Berbera illaa Burco iyada oo markii dambe na taageerayaal xoog badan oo isbedel doon ahi ay ku soo dhaweeyeen duleedka magaalada Burco iyaga oo lu laayey calanka liimiga ah ee astaanta u ah Xisbigaasi sida oo kale na ku dhawaaqayey hadalo ay ku muujinaayeen taageerada ay u hayaan Xisbiga WADDANI.

Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI oo isna dhankiisa halkaas ka hadlay, ayaa si weyn uga mahad-celiyey soo dhaweynta ballaadhan ee loo sameeyey weftiga, waxaana uu carabka ku dhuftay in weftigu uu maalmaha soo socda ku sugnaan doono gudaha magaalada Burco oo uu sheegay in ay si gaara isu xog wareysan doonaan dhammaan ba qeybaha kala duwan ee bulshada, waxa uu yidhi:

โ€œWaxa aan ku faraxsanahay sida aad noo soo dhaweyseen, waanan idiin ka mahad-celinaynaa, madaxda WADDANI na sidaa aad u jeceshihiin bay idiin jecel yihiin, maalmaha soo socda na waynu wada joogaa oo qeybaha kala duwan ee bulshada oodhan baanu si gaara isu xog-waraysan doonaa.โ€

Murashaxa Madaxweynaha WADDANI Dr. Cabdiraxmaan M. Cabdillaahi (Cirro) oo isna dhankiisa halkaas hadalo mahad-naq ah ka jeediyey, ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay sida ballaadhan ee ay maanta u soo dhaweeyeen dadweynaha isbedel doonka ah ee reer Burco isaga oo sheegay in la gaadhay wakhtigii uu iman lahaa isbedelku, waxaanu yidhi:

โ€œWaad ku mahadsan tihiin soo dhaweyntiina, waana aanu ku faraxsanahay in aanu idiin nimaadno anaga oo ka qeyb-gali doona sida oo kale na idin kala qeyb-qaadan doona wacyi-gelinta diiwaan-gelinta.โ€

bandhige@gmail.com