Wasiirka Dhaqanka iyo Dalxiiska Somaliland iyo Badhasaabka Gobolka Hawd waxay ka qayb galeen furitaanka Mashruuc lagu Caawinayo Dadka ay Abaaruhu saameeyeen

DCIM100MEDIADJI_0424.JPG

 

Wasiirka Wasaarada Dhaqanka iyo Dalxiiska Somaliland oo ay Weheliyaan Badhasaabka Gobolka Hawd, Maayorka Degmada Bali-gubadle, Xildhibaano Saraakiil ka Socday Hay”adaha  Action Aid, All-khayr Fund iyo Ururka waddaniga ah ee Sowda Alla-Aamin ayaa shalay magaalada Bali-gubadle ee Xarunta Gobolka Hawd kaga qayb galey furitaanka mashruuc lagu Caawinayo Bulshada ay abaaruhu saameeyeen ee ku dhaqan Gobolka Hawd.

Mashruucan ayaa socondoona muddo lix bilood ah waxa maalgalinta Mushruuacan iska Kaashaday  Hay’ada Action Aid iyo All-khayr Fund.waxaana fulinaya Ururka Waddaniga ah ee Sowda Alla-Aamin.

Waxaanay shalay Hay’adaha Action Aid, Allkhayr Fund iyo Ururka Sowda Allah Aamin ay Deeq raashina iyo Agab kale ay gaadhsiiyeen 90 Qoys oo ka mid ah Bulshada ku dhaqan magaalada Baligubadle ee Xarunta Gobolka Hawd.

Halkan ka daawo muuqaalka warkan:

bandhige@gmail.com