Mashruuca Fursan Fund oo ay leeyihiin Farmaajo iyo Cabdiraxman Caynte ayaa waxa maalmahan hadal hayntu ku war heleen bulshadu iyadoo Hargeysa laga furayo

 

Bulshada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa  si weyn uga biyo diiday mashruuca lagu khalkhal galinayo amniga iyo xasiloonida Somaliland oo la wado in la sameeyo is-dhexgal dhallinyarada Somalia iyo Somaliland, mashruucaasi oo ay wadaan koox uu hoggaaminayo Cabdiraxmaan Caynte Wasiirkii Qorshaynta xukuumaddii Xassan Sheekh haddana ah Safiirka Somaliya ee dalka UK , Fursad Fund oo ah mashruuc laga aasaasay magaalada Muqdisho ee dalka Somaliya, kaas oo uu aasaskiisa lahaa wasiirkii qorshaynta ee dawladii Xasan Sheekh Mr. Cabdiraxmaan Caynte haddana ah Safiirka Soomaaliya ee UK.

Mashruucan ay kooxdaasi uu hoggaaminayo Cabdiraxmaan Caynte ay doonayaan in ay Magaalada Hargeysa ka qabtaan oo ay ugu magac dareen Hargeysa Job Fair ayaa la doonayaa in la isku dhexgaliyo dhallinyarada Somaliland iyo Somalia iyagoo leh waxaanu shaqo abuur u samaynayaa dhallinyarada Somaliland.

https://twitter.com/Kadarnouh/status/882351280684924930

Mashruucan Fursad Fund oo ay oo shacabka Jamhuuriyadda Somaliland aaminsanyihiin inuu yahay mashruuc siyaasadeed oo ay ka dambayso aragtida dawladda Somaliya ee ah is dhexgalka dhallinyarada si looga dhexdhaliyo midnimo dhexmarta Somaliland iyo Somaliya.

https://twitter.com/GKabadhe/status/882549751924883459

Haddaba, dhallinyaro tiro badan oo reer Somaliland ah ayaa baraha ay bulshadu ku xidhiidho waxay ku faafiyeen aragtida rasmiga ah ee mashruucan oo ah inuu hoostago dawladda Somaliya, waxaanay dawladda iyo shacabka ugu baaqeen in laga taxadiro mashruucan Fursad fund oo ay suurtogal tahay in si boodh isku qarin ah loogu soo dhiibo dad reer Somaliland ah, waxaana jira baaqyo isa soo taraya oo dawladda ku socda oo lagaga dalbanayo in ay joojiso in kooxdaasi ka qabsato carwadaa ay ugu magac dareen Hargeysa job fair .

https://twitter.com/ajeeni/status/882358094436630530

Dawladda Somaliland ayaan weli jawaab rasmi ah ka bixin baaqyadan dhallinyarada ee ah sida looga biyo diiday mashruucan. Waxase la filayaa in dawladda Somaliland aqbasho soo jeedimaha guud ahaan Bulshada Somaliland gaar ahaanna dhallinyarada ee ah baaqyada ka dhanka ah Fursad fund.

https://twitter.com/mwacays/status/882348980469977092

https://twitter.com/ajeeni/status/882344651587551232

https://twitter.com/ma_ayanle/status/882289884513390593

Xogo dheeraad ah oo mashruuca Fursad Fund ka akhri halkan hoose: