Xisbiga ugu weyn mucaaradka dalka Koonfur Afrika, Democratic Alliance, ayaa shaqada ka joojiyay hoggaamiyihiisii hore, Helen Zille, kadib markii ay barteeda Twitter-ka soo dhigtay in gumaystihii aanu u xumayn sida loo tilmaamo.
Hoggaamiyaha hadda ee xisbigaasi Mmusi Maimane, ayaa sheegay in haweeneydaasi ay sii ahaan doonto madaxa dawladda ee gobolka Western Cape.
Xisbiga Democratic Alliance ayaa tan iyo markii ay murankaasi dhalisay Ms Zille horraantii sannadkan, waxay la kulantay cadaadis ah in uu tallaabo laga qaado.
Weriye ka tirsan BBC-da ayaa sheegaya in xisbigaasi oo ku dadaalayo sidii uu meesha uga saari lahaa aragtida ah in uu yahay mid u taagan danaha dadka cadaanka ah ee Koonfur Afrika.
bandhige@gmail.com