Inan u dhashay Dalka masar ayaa bishan barakaysan ee Ramadaanta guddaheeda waxa uu maalin ka mid ah ku afuray cunto ay xaaskiisii oo dhimatay u samaysay ramadaantii hore.
Baraha xidhiidhka bulshada ee internetka ee Dalka masar gaar ahaan Group-ka loo yaqaano Comment faction ayaa la soo dhigay farriintaa ku saabsan sheekada inankaasi taas oo raad xun ku reebtay quluubta dadkii arkay ama daalacday, kadib markii inankaasi uu maalintii u horaysay ramadaanta ku afuray cunto ay xaaskiisii dhimatay u diyaarisay muddo sannad ah ka hor, isagoo mudadaa labada Ramadaan u dhexaysay ku kaydinayey Tallaagada.
Xigasho: xogtadunida.com