Koonfur Afrika waxay dib-u-eegis ku samaynaysaa xubinimada Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada

Golaha Wasiirada ee Koonfur Afrika waxa ay dib u eegayaanin ay ka sii mid ahaadaan Maxkamadda Dambiyada Caalamiga iyo in ay ka baxaan kadib markii muran xooggani ka dhashay booqashadii Madaxweynaha Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir uu ku tagay Koonfur Afrika

Dooda diblomaasiyadeed oo ka dhalatay ka dib 15kii Juun markii madaxweyne Al-Bashiir ku guryo noqday wadankiisa, taasi aya maxkamada Koonfur Afrika xayiraada ku dhex saartay Koonfur Afrika inaanu dalka ka bixina, dhinaca kale ururada xuquuqal insaanku doonayeen in la xidho Al-Bashiir oo la fuliyo dalabka Maxkamadda Caalamiga ee Dambiyada.

Wasiirka madaxtooyada Koonfur Afrika Jeff Radebe, oo la hadlayey saxaafada ka dib shirkii golaha wasiirada, ayaa waxa uu yidhi “Golaha wasiirada ayaa dib u eegis ku samayn doona xubinnimada Maxkamadda Caalamiga ee Dambiyada”

Wuxuu intaas ku daray in xukuumadu go’aankeedu yahay in baxdo xubinnimada Maxkamadda Caalamiga ee Dambiyada.