Kooxda ISIS oo sheegatay qarax lala beegsaday masaajid Sucuudiga ku yaal

Qarax ismiidaamin ah oo ay ku dhinteen ugu yaraan dad gaadhaya 21 qof tiro kalena ku dhawaacmeen ayaa lala beegsaday masaajid ku yaal bariga Sacuudiga oo ay ku tukanayeen dad shiico ahi salaaddii Jimcaha, sida ay sheegeen dad goob-joogeyaal ahaa.

Qaraxani wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo ay socdaan weerarrada dhinaca cirka ah ee  isbahaysiga  Sucuudigu hoggaamiyo  ku beegsanayaan maleeshiyada Xuutiyiinta ee Shiicada Yemen.

Kooxda ISIS ee ka dagaalanta Ciraaq iyo Suuriya ayaa war-saxaafadeed ay ku baahiyeen internet-ka ku sheegtay in ay qaraxa is-miidaaminta ah iyagu gaysteen.

qarax sucuudi 2

Shiicada laga tirada badan yahay ee dalka Sucuudiga ayaa badankoodu waxay ku nool yihiin magaalada Oasis ee gobolka bari ee Qadif iyo tuulada Ahsa ee gobolka Waqooyi-Galbeed.

Tuulooyinka Qatif iyo Al-Ahsa waxay inta badan hoggaamiyaan mudaharaaddada lagaga soo horjeedo dawladda Sucuudiga.

Shiicada Sucuudiga oo tiradooda lagu qiyaaso in ay 10% ilaa 15% ka yihiin dadka Sucuudi Carabiya, waxay ku cawdaan in ay takoorid kala kulmaan dhinacyada waxbarashada iyo shaqaalaysiinta dawladdu samayso.

Waxay ku doodaan in saraakiisha Sunniga ahi soo gaadhsiiyaan ardayda Shiicada tiro aad u kooban oo buugaagta wax laga barto ah.

Sidoo kale, waxay cabasho ka muujiyaan xadidaad lagu sameeyo goobaha cibaadada ee ay dhisan karaan,   fasaxyada shiicada oo aan loo ogolaan, iyo Qatif iyo Al-Ahsa oo hela maalgelin ka yar ta ay helaan gobollada Sunnigu degaan.

Dawladda Sucuudiga ayaa beenisa eedaymahan ay Shiicadu soo jeediyaan dhammaantood.

 

bandhige@gmail.com