Buugga “Mahadho” oo ka hadlaya sooyaalkii Gaarriye oo la daahfuray

Habeenimadii Jimcihii ayaa munaasibad aan loo kala hadhin lagu soo bandhigay buugga Mahadho oo uu qoray Cabdiraxmaan Guri Barwaaqo.

Mahadho wuxu ka hadlayaa sooyaalkii, suugaantii iyo dhaxalkii uu ka tagay Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac iyo weliba faahfaahinta Miisaanka Maansada Gaarriye.

Munaasibadda bandhiga buugga waxa ka soo qayb-galay saddexda guddoomiye ee xisbiyada qaranka Muuse Biixi Cabdi, Cabdiramaan Maxamed Cabdillahi “Cirro” iyo Faysal Cali Waraabe, Wasiirka Maaliyadda Samsam Cabdi Aadan iyo boqolaal dadweyne ah.

Guddoomiyeyaasha iyo Wasiirka Maaliyadda ayaa si deeqsinmo ah buugaagtaas u iibsaday iyadoo Wasiirka Maaliyadu 150 oo ay iibsatay ugu deeqday in loo qaybiyo maktabadaha jaamacadaha dalka.

Mahadho cover

Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac ayaa safka hore kaga jiray Abwaanaddii hanaqaaday qaybtii dambe ee qarnigii 20aad, wuxuna Norway ku geeriyooday 1dii October 2012kii.

Maxamed Xaashi Dhamac ayaa lagu xasuustaa in uu ahaa geesi taariikhda baal dahab ah ka galay isagoo aan weligii tirin maanso qabiili ah isla markaana suugaantiisa u adeegsan jiray sidii uu ummadda isugu soo dhawayn lahaa isla markaana ugu horseedi lahaa wanaag.

Marka laga tago suugaantiisa, Maxamed Xaashi Dhamac wuxu ahaa aqoonyahankii helay Miisaanka Maansada Soomaalida January 1976.

Buugga Mahadho ee hadda la soo bandhigay waa daabacaddii 2aad, iyadoo Cabdiraxmaan Guri Barwaaqo uu horey u daabacay sannadkii 2005-tii.

Mahadho maaha buugga kaliya ee Gaarriye ku saabsan. Buugga Hagarlaawe oo Gaarriye gacantiisa ku qoray waxa la daabacay 2005-tii. Boobe Yuusuf Ducaale ayaa mar kale dib u daabacay 2013-kii. Sidoo kale Boobe wuxu daabacay buug la yidhaa “Ilmadii Hal-abuurka” oo lagu soo koobay maansooyinkii iyo maqaalladii baroordiiqda ahaa ee laga sameeyey geeridii Abwaan Gaarriye.

Bahda Bandhige waxay dadweynaha ku dhiirigelinayaan in ay iibsadaan dhammaan buugaagtaas oo dhaxal qiimo badani ku duugan yihiin.

bandhige@gmail.com