Kooxda Real Madrid oo hanatay markii 11aad koobka horyaalka Yurub

Kooxda Real Madrid ayaa markii 11aad ku guulaystay horyaalka Yurub, kadib markii ay ka badisay kooxda Atletico Madrid oo ay ku kulmeen ciyaartii kama dambaysta ahayd oo ka dhacday magaalada Milan ee Talyaaniga.

Labada kooxood ayaa ku kala baxay Gool-ku-laadka tooska ah ama Rigoorayaasha, iyada oo natiijadu ay noqotay(3 iyo 5) sidaasi oo ay guushu ku raacday Real Madrid.

Labada kooxood ayay dhex martay ciyaar adag oo ay isku mari waayeen qaybihii hore ee ciyaarta oo ku dhammaaday bar bar dhac hal iyo hal ah, taasi oo keentay in wakhti dheeraad ah lagu daro.

bandhige@gmail.com