Xadhigii halgamayaasha “UFO”, doorkii Eng Faysal iyo cadaymo sugan. Q6aad (WQ: Drs. Hoodo Yuusuf)

Xeerkiii dilka “Law No 54” ee lagu soo oogay mujaahidiintii UFFO 6-dii Maaraj 1981-kii iyo doorkii Eng Faysal Cali Waraabe.

Qormooyinki hore waxaan ku iftiimiyey ujeedooyinkii uu  Jeneral Gaani jeelka Muqdisho uga soo saaray Eng. Faysal Cali Waraabe oo u xidhnaa wax-iswaydaarin iyo xatooyo.  Eng Faysal wuxuu soo gaadhay Hargeysa Julay, 1981-kii waxaanu markiiba ku dhaqaaqay in uu ka shaqeeyo habkii uu isagu xidhi lahaa UFFO iyo Jeneral Gaani.

Wuxuu  soo abaabulay  kulan  lagu qabtay guri ku yaallay xaafada Shidka oo uu  deganaa Abtigii Muj Axmed Xuseen Caabi bishii Ogos, 1981-kii. Eng Faysal  wuxuu  soo jeediyay in ay la shaqeeyaan Jeneral Gaani oo ahaa Taliyaha Guud ee Gobollada Waqooyi. Wuxuu dhallinyaradii shirka fadhiday dareensiiyay in hirdanka Soomaaliya ka socdaa ka dhaxeeyo Majeerteen iyo Mareexaan.

Markaa waxa Reer Sheekh Isxaaq  la gudboon in ay taageeraan Taliska Siyaad Barre oo ay ka faa’iidaystaan ganacsagii loo yaqaanay “Franco Valuta”. Waxa ganacsigaas lagu naas-nuujin jiray loona ogolaa dadka taageera Taliska Siyaad Barre. “Franco Valuta was issuance of trade licenses to importers of goods on which no foreign exchange was payable”.

Aqoonyahanadii UFFO way ku gacan saydheen, waxaanay u sheegeen Eng Faysal in uu barnaamijkaas ula tago ganacsatada iyo odayaasha. Diidmadaas kadib, Eng Faysal wuxuu la kulmay laba nin oo ay ilmaadeer hoose ahaayeen oo kala ahaa:

  1. Adan Cali Guhaad“Adan Waali” , wuxuu ku dhashay  degmada Awaare, Itoobiya,  1947-kii. Dugsiga Dhexe wuxuu ku dhamaystay Oodwayne 1962-kii, dugsiga sarena Sheekh Secondary School 1966-kii. Wuxuu sarkaal sare ka ahaa ciidamada denbi baadhista “CID “.  Markii uu shaqada ka fadhiistay wuxuu noqday jeeble  ka ganacsada Berbera ilaa Jiddah, kuna shaqaysta nidaamka “Franco Valuta.”
  2. Cabdi laangadhewuxuu ka mid ahaa haldoorka Hargeysa, waxaanu kana dhex muuqan jiray mafrishyada iyo goobaha  lagu kulmo. Eng Faysal wuxuu isbaray Jeneral Gaani iyo labada oday, waxaana lagu heshiiyay in ay soo dhego dhegeeyaan dhaqdhaqaaqa UFFO.

Jeneral Gaani wuxuu soo bixiyay Jeega Wareega “Assigno Circulare” Sh. 40,000  una dhiganta $ 6,300  sarifkii waqtigaas sh 6.357 per US dollar. Jeegaas waxa ku qornaa Eng Faysal Cali Waraabe. Oday Cabdi Laangadhe iyo Aadan Waali waxay  ku guulaysteen in ay helaan nuqul ka mid ah Joornaalkii UFFO. Waxay ka heleen guriga Prof  Axmed Jabane  oo ay ku qayilaayeen dhammaadkii bishii Oktoobar, 1981-kii. Waxay markiiba gacanta u geliyeen Jeneral Gaani iyo Daahir Ciid, oo ahaa taliyaha ciidmada Hangashta. Waxay wadajir u saxeexeen warqad markhaati ah “Affidavit” oo cadaynaysa in ay joornaalka UFFO kasoo heleen guriga Axmed Jabane, oo ku yaalay Hiindiya Lineka. Guriga Prof Axmed  Jabane  waxa inta badan ku qayili jiray xubnaha UFFO.

Markii joornaalkaasi ku dhacay gacanta  Jeneral Gaani  dhammaadkii Oktoobar, 1981-kii, waxa lasoo xidhay Prof Axmed Jabane, 2nd Noofambar, 1981-kii, Eng Maxamed Baaruud, 4th Noofambar, 1981-kii. Waxa ku xigay 26 xubnood oo u badana dhakhtaro iyo macalimiin. Waxa lagu  eeday qaran dumis waxaana loo cuskuday Law No 54 oo ahaa “Dil- Capital Punishment”. Law No. 54 wuxuu u dhignaa sidan:

“ National Security Law No. 54,  grants  the NSS the power to arrest and detain indefinitely those who express critical views of the government. It further gives the NSS the power to arrest without a warrant anyone suspected of a crime involving “national security”. Article 1 of the law prohibits “acts against the independence, unity or security of the State”, and capital punishment is mandatory for anyone convicted of such acts.”

Qormadda soo socota waxaynu kaga eegi doona xukunkii lagu riday 20 xubnood oo ka mid ahaa UFFO, xukunkaas oo lagu dhawaaqay 6-dii Maaraj, 1982.

 

Drs Hoodo Yusuf, London, UK.

yhoodo@yahoo.com