Kulan ay yeesheen ardayda Somaliland ee waxbarashada sare ku qaadata Maqale, Itoobiya

 

Ardayda Somaliland ee wax ka barataย  dalka Ethiopia gaar ahaan magaallada Maqalle ee Caasimadda Is-maammulka Qoomiyadda Tigrayga ayaa kulan ku yeeshay magaalladaas. Kulankan oo iskugu jiray martiqaad qado iyo is xog-wareysi ay ardayda u fidiyeen Axmedyasin Muxumed Cadde oo ah madaxa ya’adda cilmi-baadhista iyo horumarinta ee IRADA iyo Faysal Aden.

Kulankan waxa diiradda lagu saaray arimmo ay ka mid yihiin; Xaaladda waxbarasho ee ardayda reer Somaliland; Xidhiidhka Jaamacadda Maqale iyo ardayda Somaliland; caqabadaha ka haysta waxbarashada haddii ay jiraan; ย iyo tallooyin haddii ay hayaan in ay soo jeediyaan.

Kulanku markii uu bilaabmay ugu horaynba waxa ay ardaydu xusseen in ay aad ugu faraxsan yihiin kulankan oo ah kii ugu horeeyey ee noociisa ah waanay ka mahad naqeen.

Ardayda ayaa xusay in ay ku faraxsan yihiin ย joogitaanka Jaamacadda Maqale oo ay ku tilmaameen mid waxbarashadeedu tayo leedahay. Waxay aad uga mahadnaqeen dawlada Ethiopia fursadan ay siisay. Ardayda Masterta ayaa si gaar ah ugu mahadnaqay qoomiyadda Tigray ee ay la nool yihiin kuna tilmaamay bulsho xaaddarad sarreysa leh isla markaana martida aad u soo dhaweeysa oo gob ah.

Dhanka kale mahadnaq kaas la mid ah ayay ardaydu u soo jeediyeen dawlada Somaliland gaar ahaan Wasaaradda Waxbarashada iyo Wasaaradda Arimaha Debedaba oo suurtogelisay waxbarashada ay halkaas u joogaan.

Intaas kadib, waxaa khudbad guubaabin ah ka soo jeediyey goobta Axmedyaasiin oo ammaanay dawlada Ethiopia sida ay fursaddan qaaliga ah u siisay ardayda Somaliland. Waxa kale oo uu ammaan u jeediyay Wasaaradda Waxbarashada ee Somaliland doorka ay ka ย ciyaaraan horumarka waxbarsharda iyo sida ay fursadan uga soo shaqeeyeen.

Waxa kale oo iyadna ardayda ku ammaanayย  sida ay waxbarshadooda uga adag yihiin ee aan loogu sheegin wax dhaqan xumo ama sagsaag xagga waxbarashadooda ah.

โ€œCid kasta oo aan wax idinka weydiiyey way ii kiin amaantay waxaanay idinku tilmaantay arday akhlaaq iyo maskax fiicanba leh waxbarashadana ka dhex muuqda jaamacadda Maqaleโ€ Sidaa waxa yidhi Axmedyasin

Faysal Aden oo isna ah sarkaal dawladda u shaqeeya ayaa isna xusay in ay ku faraxsan yihiin dadaalka ay ka arkeen ardayda isla markaana xaggaa ay ka sii wadaan.ubaabiyay.

Ugu dambayntii waxay la isla qaatay in xog cilmiyaysan (Case study) laga sameeyo ardayda Jaamacadda Maqale iyo waayahooda ย si wax looga barto casharadii laga bartay waqtigoodii iyaga oo xusay in ay talooyin kor loogu qaadayo xidhiidhka Dawlada Somaliland iyo ardayda ay dhankooda hayaan. Tanina waxa ay ka caawin doontaa Somaliland in ay isticmaasho marka ay jaangoynayso deeqaha waxbarashada ee debeda ay ka hesho. Natiijada xog ururintan (case study) ayaa dhawaan la soo saari doonaa.

Bandhige@gmail.com