Kulmiye Waa Xisbi Shaqsiyaad Ka Tagey Aanay Waxba Yeelaynin” Gudoomiye C/casiis Samaale

Qore: Boqore Axmed Cabdi

Hargeysa (Dawan)- Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Xibiga Kulmiye Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa sheegay in aanay miisaanka iyo waxtarka xisbiga aanay waxba yeelayn qof iyo laba xilal ka qabtay oo ka tagey.

Gudoomiyaha oo ka hadlayay munaasibada xisbiga Kulmiye u qabtay gudoomiye ku xigeenka gabarka dhalinyaradda heer Qaran, kaasi oo lagu soo dhawaynayay, ayaa waxa uu tilmaamay in Kulmiye uu yahay xisbi ay taageerayaashiisu buux dhaafiyeen dhamaan gobollada iyo Degmooyinka dalka oo dhan, kaasi oo ay mar kasta garab taagan yihiin sidii uu u guulaysan lahaa.

Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga Kulmiye ayaa ku tilmaamay shakhsiyaadka inta ay horumarka ku gaadheen xisbiga ee hadana ka danaystay inay yihiin caleen qalashay oo geed ka dhacday, waxaanu sheegay in aanu xisbigu waxba u noqonayan, sidoo kale waxa uu tilmaamay inay shakhsiyaadkaasi caadaysteen inay xisbigii ay heerka ku gaadheen ay cay iyo aflagaado u soo jeediyaan oo ay mar kasta makarafoonka u qaataan.

Gudoomiyaha ayaa tilmaamay in awooda xisbiga Kulmiye ay gayaysiisay dhamaan xisbiyada iyo ururada dalka ka jira in ay is urursadaan oo ay is kaashadaan si ay Kulmiye u waajahaan, waxaanu sheegay in Kulmiye yahay xisbi wayn oo ururo isku tagay iyo shakhsiyaad iskaashaday midna aanay waxba ka qaaday waxaanu yidhi

“Xisbiga Kulmiye waa xisbi balaadhan, waa xisbi wayn, waa xisbi dalka oo dhan matala, waa xisbi taageerayaashiisu ay gobol walba buuxaan, waa xisbi qofka iyo labada iyo sadaxda qof ee xilal inay ka qabtaan meel kale ka tagaan aanay waxba yeelayn, caleemo qalalan oo geed ka dhacay uun la la mid yihiin.

Xaqiiqdu waxa weeye in aan xisbigu wax wayn u noqonayn dad inta ay meel sare ku gaadheen dabadeedna ka danaystay ee cayda xisbiga Makarafoonada u qaata, inagu dib u caayimaynee waxaynu leenahay waxaa tihii walaaladay oo naga tagay.”

 

 

 

Xigasho :wargeyska dawan Bandhige@gmail.com