Shacabka Gabiley oo ka Hadlay Taageerada Xisbiga Kulmiye

Qore: Boqore Axmed Cabdi

Gabiley (Dawan) Bulshada ku dhaqan gobolka Gabiley ayaa ka hadlay taageerada ay u hayaan xisbiga talada haya ee Kulmiye, waxaanay sheegeen in bulshada gobolka ay si wayn u taageersan yihiin Kulmiye.

Shabacka Gabiley oo Makarafoonka lala dhex qaaday xili Waddani lagu soo dhawaynayay magaaladda ayaa, bulshada gobolka Gabiley waxa ay sheegeen in dadka soo dhawaynayay xisbiga Waddani in ay ahaayeen dad Basas lagaga soo qaaday Hargaysa, si ay u muujiyaan in gobolku taageersan yahay Waddani.

Shacabka Gabiley oo ka xumaaday falka ay xisbiga Waddani ka sameeyeen Gabiley ayaa cadeeyay mawqifkooda taageere ee Xibiga Kulmiye, waxaanay sheegeen in bulshada gobolka ay taageersan tahay Kulmiye.

Bulshadan oo ku sugnaa goobahood shaqo ayaa sheegay in dadka wax soo dhawaynayay ay ahaayeen dad la soo abaabulay oo Hargaysa laga keenay, waxaanay sheegeen in aanay arrintaasi waxba ka badelayn taageerada bulshada Gabiley ee Xisbiga Kulmiey.

Qaar ka mid ah bulshada Gabiley oo ka hadlaya taageerada ay xisbiga Kulmiye u hayaan ayaa waxa hadaladoodii ka mid ahaa

“Waxan arkayay Xisbigii Waddani oo manta Gabiley yimi, taasi oo uu keensaday Basas u uku soo guray dad uu ka keenay gobollada oo aanu cidd ka garan wayanay, waxaanu leenahay Gabiley waa Kulmiye, Kulmiyena waa Gabiley.

Anagu hadaanu nahay reer Gabiley waxaanu taageersan nahay xisbul xaakinka Kulmiye iyo xukuumadda jirta ee uu hogaamiyo Mdaxwayne Muuse Biixi Cabdi oo aanu leenahay Mudane Madaxwayne mar labaad iyo mar sadexaadba waanu kuugu celinaynaa hadaanu nahay bulshadii Gabiley.”

 

 

Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com