Kuuriyada Waqooyi waxay ku eeday Maraykanka iyo Kuuriyada Koonfureed maleegeen shirqoolkii lagu dilayo Kim Jong-un’

 

Kuuriyada Waqooyi ayaa Maraykanka iyo Kuuriyada Koonfureed ku eedaysay in dad u shaqeeya ay maleegayaan shirqool ay ku dilaan hoggaamiyahooda Kim Jong-un.

Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegtay in lacag la siiyay qof ay “Kim” bas ah ku sheegeen si uu u gaysto weerar kiimiko loo adeegsaday, sida ay sheegtay wasaaradda amniga guddaha.

Waxay sheegtay in shirqoolkaas la fashiliyay Waqooyiguna uu baadhitaan samayn doono oo si aan naxariis lahayn u burburin doono, dadka ay soo dirsadeen Maraykanka iyo Kuuriyada Waqooyi.

Maraykanka iyo Kuuriyada Waqooyi wali kamay hadlin eedaymahaas.

Sheegashadan Waqooyigu waxay ku soo aadaysaa iyadoo ay sare u sii kacayso xiisadda ka taagan gacanka Kuuriya.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ballan qaaday in uu “xallin doono” arrinta Kuuriyada Waqooyi uuna joojin doono in ay kobciso nukliyeerkeeda.

bandhige@gmail.com