Kuwayt oo 7 qof dil ku xukuntay

Maxkamad ku taala Kuwayt ayaa dil ku xukuntay 7 qof oo looga shakisan yahay weerarkii qaraxa ee lagu qaaday Maasaajid Shiicadu ku cibaadaysan jireen ee Imaam Saddiiq.

Weerarkaas qarax ee lala beegsaday Masaajidka Imaam Saddiiq ayaa waxa ku dhintay 29 qof, halka 227 qof oo kalena ku dhaawacmeen.

29 ayaa loo qab-qabtay oo ay Maxkamadda la horkeenay, kuwaas oo dhammaantooda lagu eedeeyeen in ay ka danbeeyeen weerarkaas, 7 waxay Maxkamaddu ku xukuntay dil, halkan 14 lagu xukumay xadhiga u dhexeeya laba sannod ilaa shan iyo toban sanno, sidoo kale 8 qof ayaa lagu waayey wax dambiya oo xoriyadoodii loo soo celiyey.

Dadka xukunka lagu riday, qaarna la sii daayey ayaa u kala dhashay waddamada Kuwayt, Sucuudiga iyo Baakistaan.

bandhige@gmail.com