Dufcadii 6aad oo ka qalin-jebisay Jaamacadda Nugaal

Tan iyo intii la aasaasay Jaamacadda Nugaal ayaa waxa shalay ka qalin-jebiyey tirada ardaydii ugu badnay oo ka qalin-jebisa kuliyadaha kala duwan ee Ganacsiga, Horumarinta hoggaaminta bulshada, Shareecada, Tiknoolajiyada, luqada Carabiga, Nursing iyo daraasaadka Islaamiga.

176 arday oo ayaa xafladooda qalan-jebintooda lagu xarunta Jaamacadda oo ay ka soo qayb galeen maamulka Gobolka, Degmadda, Ganacsato, Salaadiin, Culumaa’udiin, iyo dad weyne kale oo tirada badan.

Maamulka Jaamacadda Nugaal ardayda kula dardaarmay in ay cilmiga ay barteen ugu adeegaan bulshada, halkaasna aanay kaga hadhin cilmigaas ee korodhsiimo raadsadaan.

Jaamacadda Nugaal ayaa kor u qaaday dhinaca horumarinta waxbarashada Laas-caanood oo aanvinta badan laga heli jirin waxbarashada heerkeeda sare ka hor intii aan laga aasaasin Jaamacadda Nugaal.

Nugaal 2Nugaal4 nugaal 3

bandhgige@gmail.com