Kuwayt oo noqotay waddankii shannaad ee xidhiidhka diblomaasiyadeed u jara Eeraan

Kuwayt ayaa waxay ku soo biirtay waddamada xidhiidhka diplomaasiyadeed u jaray Eeraan ama hoos u dhigay.

Kuwayt oo ka mid ah xulafada Sucuudigu hoggaamiyo ee dalka Yeman ka wada dagaalka lagaga soo horjeedo Xuutiyiinta ka dagaalamaysa waddankaas.

Wakaaladda wararka Kuwayt ee KUNA ayaa sheegtay in Kuwayt ay u yeedhay safiirkeedii Tehran, ayna ku celisay taageerada ay u heyso dhammaan tallaabooyinka ay qaadday Sucuudigu uu ku sugayo ammaankooda.

Ilaa hadda waddamada xidhiidhka diplomaasiyadeed u jaray Eeraan ayaa noqonaya shan waddan oo ka tirsan ururka jaamacadda Carabta oo u balansan in ay shir ka yeeshaan arrinta ku soo cusboonaatay waddamada Carabta maalinta Axadda ee todobaadkan soo  socda.

Dhinaca kale Qaramada Midoobay ayaa cambaareysay weerarkii lagu qaaday safaaradda Sucuudigu ku laha magaalada Tehraan.

Xidhiidhka Eeraan iyo Sucuudiga ee go’ay waxa uu saameyn ku sicirka shidaalka lagu iibiyo oo sare u kacay ka dib markii ay Sucuudiga iyo Eeraan kala xidhiidh furteen.

bandhige@gmail.com