Labada guddoomiye ee xisbiyada mucaaridka oo hadlay heshiiskii xisbiyada iyo xukuumaddu gaadheen 27-kii May

Shirkii jaraa’id ee Kulmiye iyo xukuumaddu qabteen ka sokow waxa iyaguna maanta jirar jaraa’id oo kala gaar ah qabtay hoggaamiyeyaasha mucaaridka Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi “Cirro” iyo Faysal Cali Waraabe.

Guddoomiye Cirro wuxu xukuumadda ku eedeeyey in ay ka baxday heshiiskii siyaasiga ahaa ee 27-kii May lagu soo gunaanaday khilaafkii ka dhashay dib-u-dhicii doorashooyinka.

“Bil iyo badh kadib heshiiskii weli waxba kama fulin. Xukuumadda waxa ku waajib ah in ay Guurtida ku qanciso heshiiska. Waa hawl xukuumadda u taal ee maaha mid annagana noo taal.” Sidaa waxa yidhi Guddoomiye Cirro.

Guddoomiya UCID Faysal Cali Waraabe oo isaguna maanta xafiiskiisa shir-saxaafadeed ku qabtay ayaa xukuumadda ugu baaqay in ay dhakhso u fuliso heshiiskii saddexda xisbi wada gaadheen 27 May isla markaana uu dhinaca xukuumadda u saxeexay Madaxweyne-Xigeenku.

“Wax la qaadan karo maaha in ay xukuumaddu mar tidhaa heshiiskii waanu fulinaynaa, mar kalena tidhaa go’aankii Guurtida ayaa sharci ah. Xukuumadda waxa looga fadhiyaa in aanay ka warwareegin ee ay dhakhso u fuliso heshiiskii ay xisbiyada xukuumaddu wada-saxeexeen si doorashadu u dhacdo Diisambar 2016” ayuu yidhi Guddoomiye Faysal.

Dhanka kale waxa iyaguna maanta qasriga madaxtooyada shir-saxaafadeed ku qabtay Madaxaweyne-Xigeenka iyo hoggaamiyeyaasha xisbul-xaakimka iyagoo sheegay in xukuumaddu aanay heshiiskii ka bixin laakiin ay ku dedaalayso in ay ku qanciso Golaha Guurtida in ay aqbalaan. Sidoo kale waxa uu Madaxweyne-Xigeenku raaciyey in go’aankii Guurtidu uu sharci ahaa.

Labadan farriimood ee iskbarakani waxa ay sas ku rideen mucaaridka iyagoo ka shakiyey in xukuumaddu ay rabto in ay go’aankii Guurtida u aragto ka sharciga isla markaana iska dhaafto heshiiskii ay la gashay xisbiyada.

Bandhige@gmail.com