London: Muslimiin Masaajid ku ag sugnaa oo la weeraray

 

Hal nin ayaa ku dhintay,  toban kalena dhaawac ayaa soo gaadhay kadib markii weerar argagixiso lagu qaaday dad ka soo baxay masaajid ku yaalla magaalada London oo tukanayey salaada taajudka.

Booliisku waxay sheegeen in siddeed ka mid ah dadkaas loola cararay cisbitaal qaarkoodna ay dhaawacyo halis ah qabaan kadib markii ay ku dhaawacmeen weerarkaas.

Nin 48 jir ah ayaa loo xidhay shil ka dhacay agagaarka masaajidka degmada Finsbury Park.

Dhacdadan ayay boolisku ku tilmaameen shil aad u weyn.

Shilkan wuxuu ka dhacay Wadada Seven Sisters. Ciddamada booliska ayaana goobtaas isku gadaamay.

Guddiga Muslimiinta ee Britain ayaa sheegay in gaadhi si qasad ah loo jiirsiiyay dad cibaadeysanayay.

Dadka dhacdadaasi ku waxyeeloobay ayaa la aamminsan yahay in ay kasoo laabteen salaada taajudka.

Adeega gawaadhida gurmadka degdega ah ee London ayaa sheegay in goobta weerarku ka dhacay ay u direen tiro ka mid ah shaqaalahooda caafimadka.

Muuqaal baraha bulshada lasoo gelliyay dhacdadan ayaa muujinaya argagaxa goobtaasi ka dhacay iyadoo dadka halkaasi ku dhawacmayna loo gurmaday.

bandhige@gmail.com