Xulafada Maraykanka horkacayo waxay markii u horaysay diyaarad dagaal ka soo riday Suuriya

 

 

Xulafada uu Maraykanku hoggaaminayo ee Suuriya ayaa soo riday diyaarad dagaal oo ay leeyihiin milatariga Suuriya oo maraysay gobolka Raqqa.

Milatariga Suuriya ayaa sheegay in diyaaraddaasi ay u socotay hawlgal ka dhan ah kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka marka iyada laftirkeedii la weeraray Axaddii, sida uu ku warramay telefishinka xukuumadda Suuriya.

Dawladda Suuriya waxay sheegtay in dhacdadani ay cawaaqib xun ku reebi doonto dadaalladii lagula dagaalamayay argagixisada.

Maraykankuna wuxu sheegay in uu is dicaafay kadib markii ay diyaaraddaasi bambooyin ku soo ridday meel u dhaw dagaalameyaal ay taageerto.

Arrintani waxay ka dhacday magaalada Ja’Din oo ay gacanta ku hayaan jabhadda Xoogagga Dimuqraadiga ah ee Suuriya ee magacooda loo soo gaabiyo SDF.

Jabhadda SDF oo taageero ka helaya duqaymaha ay cirka ka gaysanayaan xulafada uu Maraykanku hoggaaminayo ayaa isku xeeraya magaalada Raqqa oo ay ku xoog badan yihiin kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka.

Labo saacadood ka hor intii aan diyaaraddan la soo riday Maraykanku wuxuu sheegay in ciidammo daacad u ah Madaxweynaha Suuriya Bashaar Al-Asad ay weerareen dagaalameyaasha jabhadda SDF iyadoo tiro ciidan ahina kaga dhaawacmay kana saaray magaalada Ja’Din.

Maraykanku wuxu sheegay in uu jawaab ka bixiyay arrintaas isaga oo aan ka labolabaynin, balse wuxuu caddeeyay in uusan raadsanin in uu la dagaalamo dawladda Suuriya.

bandhige@gmail.com