“Ma jiraan laba masuul oo xil isku mid ah ku magacaaban” Afhayeenka Madaxweynaha

Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland oo gelinkan dambe ee maanta war-saxaafadeed soo saaray ayaa sheegay in aanu jirin laba masuul oo jago kali ah ku wada magacaabani.

Afhayeenku wuxu sheegay in Cabdisamad Maal oo hore loogu magacaabay La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Hay’adaha Caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah loo beddelay in uu ku-sime ahaan u noqday Garyaqaanka Guud ee Qaranka kadib markii gar-yaqaankii guud uu u baxay waxbarasho sannad iyo badh qaadan doonta.

War-saxaafadeedkan ayaa ka soo baxay kadib markii shalay iyo maanta warbaahinta bulshadu ku wada xidhiidho lagu falanqaynayey in ay labadan masuul xil isku mid ah ku magacaaban yihiin maadaama aanay jirin digreeto xilkii si rasmi ah lagaga wareejiyey Cabdisamad Maal ka hor intii aan la magacaabin Fahmi Cabdi Bidaar.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeed oo dhammaystiran.

WAR-SAXAAFADEED

Af-hayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu halkan ku cadaynayaa in, Abdisamad Cumar Maal, oo ahaa La-Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Hay’adaha Caalamiga iyo Kuwa Maxaliga ah, in si ku meel-gaadh ah loogu magacaabay ku simaha, garyaqaanka guud ee Qaranka, ka dib markii garyaqaankii guud ee qaranku Mudane Ibraahim Iidle Saleebaan uu deeq Waxbarasho oo “Sannad iyo Badh ah”uu ugu baxay Dalka Koonfur afrika.

Sidaa darteed, Af-hayeenka Madaxweynaha JSL, wuxuu qoraalkan ku caddaynayaa in aanay jirin hal xil oo isku mid ah oo uu Madaxweynuhu u magacaabay laba masuul oo kala duwan.

Ugu danbayntii, Mudane Fahmi Cabdi Bidaar ayaa ah La-Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Hay’adaha Caalamiga iyo Kuwa Maxaliga ah sidii ku cadayd warsaxaafadeedkii kan ka horeyey.

ALLAA MAHAD LEH

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL
Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)