Maalinta Qaxootiga Adduunka

Maanta waxa la xusayaa maalinta Qaxootiga Adduunka. 65 milyan oo qof ayaa dunida qaxootiya iyadoo siyaasadaha iyo qalalaaseyaasha dunida ka jiraana ay sii murgayaan. Hoos ka akhriso war-murtiyeed uu soo saaray madaxa hay’adda UNCHR oo qaramada midoobay u qaabilsan qaxootiga.

 

20-ka June oo ah Maalinta Qaxootiga Adduunka, waxaynu qaddarinaynaa adkaysiga iyo geesinimada in ka badan 65 milyan oo qof oo ay khasab ku noqotay in ay ka cararaan dagaal, colaad abaabulan iyo rabshado.  Sidoo kale waa maalin aynu aqoonsanayo bulshooyinka iyo dadyowga dunida ee qaabila qaxootiyada iyo dadka ku barokaca waddankooda dhexdiisa, kuwaas oo ku deeqay in qaxootiyadu joogaan meel nabad ah, kuna soo dhaweeyey iskuuladooda, goobaha shaqada iyo bulshooyinkooda.

Maanta waxaynu ku nool nahay duni aan la saadaalin karin, dhaqaaluhu aanu xasilloonayn, siyaasaduhuna cakiran yihiin, rabshadaha guryaheena ku dhawina ay innagu keeni karaan in aynu indhaha isku qabano oo albaabada xidhano. Laakiin cabsida iyo gaar-isku-soociddu innama gaynayaan meel halkan ka wanaagsan- waxayse innagu ridayaan qoqobnaan, iskala-soocid iyo quus.

Waxaynu joognaa xilligii sida ay wax u socdaan la beddeli lahaa. Loona beddeli lahaa dhinaca wanaagsan.

Bulshooyin badan oo aan tiro lahayn oo adduunka ku dhaqan, oo ay ku jiraan waddamada ugu saboolsan oo ah kuwa martigeliya aqblabiyadda qaxootiga adduunka, ganacsatada, culimada diinta, macalimiinta, suxufiyiinta iyo kuwo kale oo badan ayaa isku bahaysanaya sidii ay magan-galyo u siin lahaayeen bulshadoodana ugu soo dhawayn lahaayeen dadka barokacaya.

Maalin walba marka aanu qabanayno shaqada hay’adda qaxootiga ee UNHCR oo badanaa ka hawlgasha  aagaga hore ee furimaha rabshadaha, waxaanu indhahayaga ku aragnaa geesinimada, dhabar-adayga iyo maskax-furnaanta dadka qaxootiga ah.

Dadkaasi iyagoo guryahoogii waayey, shaqooyinkoodii waayey, mararka qaarna qoysaskoodii waayey- haddana isma dhiibaan- waxay markaaba helaan waddo kale oo ay wax ka bilaabaan. Iyagoo ku dedaalaya in ay bulshada ay u tageen qayb ka noqdaan, waxna ku kordhiyaan, waxay booqdaan jaararka, waxay la sameeyaan xidhiidho, waxayna abuuraan fursado cusub. Haddii ay helaan deegaankii saxda ahaa, waayo-aragnimadayadu waxay na bartay qaxootigu in aanay la iman dhibaatooyin laakiin la yimaadaan xalal.

Soo-dhawaynta macnaheeda waxa weeyi in aynu maskaxda iyo qalbigaba u furno qaxootiga, kuna soo dhawayno bulshadeena.  Taasina waxay u baahan tahay in bulshada oo dhami ka qayb qaadato- hadday tahay arday, hoggaamiyeyaal ganacsi, ciyaaryahanno, abaabuleyaal bulsho, hoggaamiyeyaal diimeed, siyaasiyiin iyo abwaano- waa masuuliyad ay tahay in loo dhammaado. Soo-dhawaynta qaxootigu maaha in ay wax u dhimayso kuwii kale aad caawin jirtay, waase in aad gacan u fidinayso guud ahaan cid kasta oo caawimo u baahan.

Tusaaleyaal badan oo ku-dayasho mudan ayaa ka jira tuulooyin, magaalooyin iyo caasimado ka tirsan waddamo badan oo qaarad walba ah ku yaalla. Si yar iyo si weynba, bulshooyinka adduunka oo dhami waxay u si wada-jir ah ugu taagan yihiin #TaageeriddaQaxootiga – iyagoo aqoonsan haddii ay dadku wada shaqeeyaan, in qof waliba guulaysanayo.

Sidaa daraadeed, Maalinta Qaxootiga Adduunka innaga oo ka fikiranaya waxa uu noqonayo mustaqbalka malaayiin qof oo aan guryahoogii caawa ku noqon karayn dagaalo iyo rabshado abaabulan dartood- waa wakhti aynu nafaheena waydiin karno waxa uu qof kasta oo innaga mid ahi qaban karo si aynu uga gudubno cabsida iyo danayn la’aanta isla markaana aynu laabta ugu furno sidii aynu u qaabili lahayn qaxootiga bulshooyinkeenana ugu soo dhawayn lahayn, isla markaana aynu uga hor tagi lahayn fikradaha aamisan iska-soocida iyo go’doominta qaxootiga iyo kuwa kale ee soo barokacay.

Marka aynu idilkeen isku taagno #TaageeriddaQaxootiga, waxay ka dhigan tahay in aynu  taageernay isla markaana qaddarinay kala-duwanaanshaheena.

Xigasho: UN in Somaliland