Saddexda boqol ee xabbo ma dhakhtar baa kuu qoray? (WQ: Maxamed Saleeban Yaasiin “Deero”)

 

Madaxa oo xanuunayey baa lagu sii kordhay oo xummad baa u soo raacday. Waa kaa ku leexday goob farmasi ah; lagu na gado dawooyinka. Dadka sii jeeda ee sidiisa dawo-doonka ah oo badan buu dhinaca ka raacay.

Haddii uu cidhiidhsaday, miiskii dheeraa na is dul taagay, ayuu la qabsaday gabadh dheegga ay isku hayaan. Waxay hoos u tirinaysaa kiniin bac loogu gurayo oo qiyaastii ay iibsatay. Wiilku wuxu sugayey inta isna loo soo gacan bannaanaanayo, si dhawr xabbo oo xumad-jebin ah looga iibiyo. Gabadhii la hadashay dawo-iibiyihii una sheegtay inta ka dhiman kiniinka ay rabtay oo ah shan iyo afartan xabbo.

“Oo walaal saddexda boqol ee xabbo ee kiniinka ah ma dhakhtar baa kuu qoray?” ayuu gabadhii weydiiyey. Haa iyo maya midna may odhan. Waxay la hadashay dawo-iibiyihii oo intii ka dhinnayd u soo waday.

Bacdii buuxsatay, sidaa na ku galbatay. Isagii oo yaabban baa la waydiiyey waxa uu doonayo ee laga iibiyo. Kuye: “Madax-xanuun baan ka cabanayaa wata xummad, ee iga iibi xummad-jebiye iyo kiniinkii madax-xanuunka.” Imisa? “Xummad-jebiyaha boqol iyo konton xabbo, kiniinka madax-xanuunka na intaas oo kale. Saddex boqol oo xabbo ayey isku noqonayaan saw maaha? Imisay lacagtoodu noqonaysaa?” “Haa, i sug.”

Kaalkuleytar halkeer yaalay soo jiid, una sheeg qaddarka lacagtu ay isku noqonayso. “Haye, ee lanbarkeen ku diraa?” “Midkaa gidaarka ka muuqda ku dir lacagta.”

Maba sii sugin ee meeshii degdeg uga dhaqaaq intii wiilkii ugu maqnaa caagadihii kiniinkii uu dalbaday looga miisi lahaa! Madax-xanuunkii iyo wahabkii hayey ba waxa kaga darnaaday waxa uu meesha kala kulmay iyo kiniinkan la isugu miisayo sida tamaandhada oo ahayd arrin ku ugub ah!

Waxa qoray: Maxamed Saleeban Yaasiin “Deero”