Trump wuxu cambaareeyay Kuuriyada Waqooyi kadib markii uu dhintay arday u dhashay Maraykanka

 

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa Kuuriyada Waqooyi ugu yeedhay dilaa arxan daran kadib markii uu dhintay arday Maraykanka u dhashay oo halkaas ku xidhnaa in kabadan 15 billood.

Kuuriyada Waqooyi ayaa todobaadkii hore Maraykanka ku celisay Otto Warmbier oo 22 jir ah, iyada oo sheegtay in uu miyirkiisu daboolnaa muddo sannad ah ayna banii’aadannimo u hayeen wakhtigaas.

Waalidka dhalay inankaasi waxay sheegeen in lagula kacay jirdil aad u xun.

Warmbier oo la xidhay isaga oo isku dayaya in uu xado calaamad borobogaando ah oo hudheel taalay ayaan ka soo noqonin miyir daboolankii ku dhacay.

Trump ayaa sheegay in waxyaabo xunxun oo badan ay ku dhaceen Warmbier, wuxuuna intaas ku daray in ugu yaraan uu gurigii waalidkii ku soo laabtay, iyaga oo aad ugu farxay inkastoo uu xaalad xun ku sugnaa.

Madaxweyne Trump wuxuu sheegay in geerida Warmbier ay sii xoojinayso xalkii ay kaga hortagi lahaayeen in masiibooyinkaas oo kale ay dad aan waxba galabsanin ka soo gaadhaan gacmaha xukuumad aan ixtiraamin sharciga iyo sharafta aasaasiga ah ee aadamaha.

bandhige@gmail.com