Maamulaha Maddaarka Cigaal oo faahfaahiyey horumarin ay ku sameeyeen adeegyadii ay bixin jireen

Maamulaha Maddaarka Caalamiga ah ee Cigaal, Hargaysa, Maxamed Yuusuf Ismaaciil ayaa faah-faahin ka bixiyay adeegyada maddaarku u fidiyaan dadka xiligan xagaaga ah ka soo dega ama ka duulaya garoonka diyaaradaha.

Maamuluhu wuxu sheegay in ay aad hoos ugu dhacday isla markaana wax ka qabteen cabashadii rakaabka ee la xidhiidhay boorsooyinkooda oo ka luma ama alaabtooda oo la waayo kadibna maalmo kadib la soo helo.

Maamuluhu sidoo kale wuxu sheegay in ay hufnaanta adeegga wax ku sii dartay diyaaradda cusub ee flydubai taas oo fududaysay in dad badan oo reer Somaliland ahi ay dalka dib ugu soo laabtaan. Flydubai wuxu maamuluhu sheegay in alaabta ay qaadi kartaa ay ka badan tahay inta kuwa shariikadaha kale ay qaadi karaan.

“Waxanu dadka soo degaya u carbinay shaqaale ku wanaagsan shaqada oo isugu jira Laanta Socdaalka, Kastamka, Cashuuraha iyo xamaaliin kuwaas oo si qorshaysan u raali-geliya dadkeena dal-tebyadu hayso ee dib ugu soo noqonaya dalkoodii ay u boholyoobeen.”

Maamuluhu wuxu sheegay in Maddaarka Cigaal hiigsanayo maddaarada caalamka isla markaana loo dejiyey sharci iyo kala-dambayn sahlaysa in rakaabku iyagoo faraxsan ay baxaan marka adeegooda loo dhammaystiro. Sidoo kale wuxu sheegay in maddaarkani dhinacyada qaar kaga wanaagsan yahay kuwa Jabuuti, Itoobiya iyo Muqdisho.

Bandhige@gmail.com