Maamulihii Dugsiga Innamada ee Nuuradiin ayaa la taxaabay kadib markii la ogaaday in ay isku magac yihiin Madaxweyne Siilaanyo

 

Waxa Hargeysa ka dhacay qiso ugub ah oo soo jiidatay indhaha dadka kadib markii ciidamada booliska Somaliland ay xabsiga u taxaabeen nin ay saddexda magac iyo naanaysta isaga mid yihiin Madaxweynaha Somaliland.

Mulkiilaha dugsiyada Nuuradiin ahna maamulaha guud ee dugsiyada Nuuradiin Mahad Ibraahim Maxamed oo u warramay Telefishanka Star ayaa xaqiijiyey in maamule-xigeenkii dugsiga sare ee innamada ee Nuuradiin oo la yidhaa Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” xabsiga loo taxaabay kadib markii ay saddexda magac iyo naanaystaba isaga mid noqdeen Madaxweyne Siilaanyo.

Ciidanka nabadgalyada waddooyinka ayaa qabtay Maamule Siilaanyo kadib markii ganaax laga qaadayey uu ku diray ZAAD halkaasna ay ku arkeen magaciisa iyo naanaystiisa oo la mid ah ka madaxweynaha Somaliland.

Maamule-xigeenka Dugsiga Sare ee Innamada ee Nuuradiin Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” ayaa naanystan la odhan jiray ilaa dhammaadkii 1980-maadkii wakhtigaas oo badi dadka Somaliland ay ku sugnaayeen xeryihii qaxootiga ee Itoobiya iyadoo loogu magac-daray Madaxweyne Siilaanyo oo waagaas hoggaaminayey jabhaddii caanka ahayd ee SNM ee dagaalka kula jirtay xukuumaddii kacaanka ee uu Madaxweynaha ka ahaa Jeneraal Maxamed Siyaad Barre “Afweyne”.

Sida uu tibaaxay mulkiilaha Nuuradiin, Maamule Axmed sababta barigaas loogu bixiyey naanaysta Siilaanyo waa jacayl ay dadka reer Somaliland u qabeen guddoomiyihii SNM Axmed Siilaanyo.

Mulkiilaha Nuuradiin Mahad Ibraahim ayaa sheegay in taliska boolisku ay ka diideen dammiin ay damacsanaayeen in ay xabsiga kaga soo dayaan Maamule-ku-xigeenka dugsiga sare ee Nuuradiin. Mahad wuxuu xukuumadda ugu baaqay in muwaadinkaas xorriyaddiisii loo soo celiyo maadaama magacani aanu ahayn mid uu foojariyeeyey laakiin uu yahay magaciisa saxda ah, naanaystuna ay tahay naanaystiisa saxda ah.

Taliyaha ciidanka booliska Somaliland Jeneraal Maxamed Fadal Iimaan ayaa sheegay in sababta loo haysto ninkan ay tahay iyadoo lagu tuhunsan yahay in uu magacan sheeganayo laakiin aanu ahayn magaciisa dhabta ah.

Dhacdadan ayaa aad u soo jeedatay indhaha bulshada iyadoo dadka magacooda oo saddexan la yidhaa Axmed Maxamed Maxamuud looga digayo in iyagana la taxaabi doono.

Hoos ka daawo Mahad Ibraahim oo u warramay Star TV.

Bandhige@gmail.com