Madaxweyne Siilaanyo wuxu maanta qaabilay Qunsulka Turkiga u fadhiya Somaliland

????????????????????????????????????

 

Madaxweyne Siilaanyo ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Qusulka Turkiga u fadhiya Somaliland Cali Nooyi Jaskum. Sida uu sheegay Af-hayeenka Xafiiska Madaxweynaha Xuseen Axmed Cige “Deyr”, kulanku wuxu diirrada saaray sidii loo dardar gelin lahaa gurmadka abaaraha, iskaashiga, maalgashiga iyo waxbarashada.

Kulanka madaxweynaha waxa kala qayb-galay Wasiirka Macdanta Xuseen Cabdi Ducaale iyo Wasiiru-Dawlaha Arrimaha Dibedda Maxamed Mixille Boqore.

Qusulka Turkiga u fadhiya Somaliland ayaa sheegay in cusub yahay kuna faraxsan yahay in Madaxweyne Siilaanyo si diirran u soo dhaweeyey

Hoos ka daawo shir-saxaafadeed ku saabsan kulankan.