Maareeyaha Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka oo ka tanaasulay tartanka musharaxnimadda Madaxweyne-ku-xigeenka ee Kulmiye

Mareeyaha Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka Somaliland Prof. Xasan Cali Cismaan  ayaa waxa uu ku dhawaaqay in uu ka tanaasulay tartanka musharaxnimo ee madaxweyne-ku-xigeenka xisbiga Kulmiye, taasi oo uu ku sababeeyey hawlaha balaadhan ee uu yaala, qaranka masuulka uga yahay.

Prof. Xasan oo ka hadlay sida uu tanaasulayna waxa uu yidhi:

“Waxaan mar labaad u cadaynayaa bulshada Somaliland guddaha iyo dibedda  in aan cidna u tanaasulin ee hankaygii sidi yahay markaan arkay duruufaha yaala dalka aan go’aansaday in ay ila noqotay in aan hakiyo tartanka musharaxnimo ee madaxweyn-ku-xigeenka oo aniga iga yimid go’aanku markii hore cidna dabada igama wadin.”

Isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi:

“Waxan maqlay  in barraha ay bulshada ku xiidhiidho la soo dhigay in aan cid uga tanaasulay waxaan leeyahay wax alaale wax ka jira ma jiro arrintaa iyada ah, hankaygii ayaan dib u dhigtay iyadoo aan eegayo danta ummadda Somaliland ee rabta in aan si dacaadnimo ah ug sii adeego shaqada la’ii igmaday.”

Prof. Xasan ayaa noqonaya masuulkii labaad ee ka soo jeeday gobolka Awdal ee ka tanaasula musharnimadda Madaxweyne-ku-xigeenka Kulmiye.

Inkastoo musharaxiin kale ka tanaasuleen tartanka jagadda Madaxweyne-ku-xigeenka Kulmiye balse waxa tartan aad u kulul ku loolamay Saylici iyo Xaglotoosiye taas oo la sheegayo in uu yahay mid aan la saadaalin karin, walow ay dad qaar hadda werinayaan in tirada Saylici ay saacadihii dambe ee xalay kor u soo kacday taasina ay keeni karto in uu Xaglotoosiye maanta faro-cididood kaga guulaysto, waaba haddii ay dhacdo’e.

bandhige@gmail.com