Maayorka Degmada Burco Cabdirisaaq Ibraahim Cabdi (Heero) iyo qaarka mid ah Xildhibaanada Golaha Degaanka ayaa booqasho ku soo maray degaanada Cali Saahid, Cadawyuurura iyo degaano kale oo ka tirsan Gobolka Togdheer.

Maayorka Degmada Burco iyo Xildhibaanada Golaha Degaanka ayaa Wacyi-gelin ku saabsan muhiimada nabadgelyada iyo wada jirka bulshada ka sameeyey degaanada ay mareen oo dhowaan ay ka dhacday shaqaaqo laba beelood oo walaalaha ah,kuwaasoo xalinta khilaafkooda ay qayb ka ahaayeem maamulka Golaha Degaanka Magaalada Burco.

Xildhibaanada Golaha Degaanka uu hogaaminayo Maayorka Magaalada Burco ayaa shacabka faray ilaalinta nabadgelyada iyo in laga fogaado waxkasta oo keenaya isku dhac labada dhinac.

Xafiiska Warbaahinta Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL.