Madaxa WHO oo laga yaabo in uu ka noqdo magacaabistii Robert Mugabe

Madaxa hay’adda WHO Dr. Tedros Adhanom ayaa laga yabaa in uu ka noqdo magacaabistii uu Robert Mugabe u magacaabay safiir-sharafeedka WHO. Mugabe waa 93 jir 36 sanno madaxweyne ka ah Zimbabwe.

Hay’adaha xuquuqda aadamaha u dhaqdhaqaaqa ayaa ku cambeereeyey Dr. Tedros in uu Mugabe u magacaabay xilkaas isaga oo Robert Mugabe lagu eedaynayo in uu baabiiyey hannaankii iyo qaabdhismeedkii adeegyada caafimaadka ee dalkiisa iyo sidoo kale eedaymo ka dhan ah xuquuqda aadamaha.

Magacaabista Mugabe waxa si gaar ah uga hor yimid Maraykanka iyo Ingiriiska, taas oo cadaadis ku noqotay Dr. Tedros kuna keentay in uu bartiisa Twitter-ka ku haabiyo in uu dib uga fiirsanayo magacaabista Mugabe.

“Waan idin dhagaysanayaa. Waan fahmay walaaciina. Si dhakhso ah ayaanan war-saxaafadeed u soo dayn doonaa” ayuu yidhi Dr. Tedros.

Robert Mugabe ayaa dunida galbeedka iyo meelo badan oo Afrika ka mid ah si kala duwan looga arkaa iyadoo dunida galbeedku ay u arkaan kali-taliyey baabiiyey dhaqaalihii iyo adeegyadii dalkiisa halka meelo Afrika ahna looga arko geesi dhulkii caddaanku dadkiisa ka boobeen u soo celiyey dadkiisa.

Bandhige@gmail.com