Madaxda Koonfurta Suudaan oo maalqabeenno noqday wakhti dadkoodu gaajo u bakhtiyayaan

 

Madaxweynaha Koonfurta Suudaan Salva Kiir iyo Madaxweyne-ku-xigeenkiisa dagaalku ka dhaxeeyo Riek Machar iyo madaxda sare ee la kala safan ayaa xoolo badan ku urursaday waddamada dibedda wakhti ay dadkiisu silic iyo gaajo u baaba’ayaan. Sidaa waxa lagu qoray warbixin Isniintii soo baxday oo ay daabaceen kooxda la yidhaa The Sentry Group.

Warbixintu waxay xustay in hoggaamiyeyaasha Koonfurta Suudaan ay khilaafka dalkaas ka jira u adeegsadeen farsamo lagu dhaco hantida dadweynaha iyadoo intii dagaalka lagu jeeday ay qasriyo ka dhisteen waddamo dibedda ah isla markaana iibsadeen baabuur ay iibsan karaan maal-qabeennada adduunka oo kali ahi.

Kooxda warbixintna soo saartay ee The Sentry Group waxay sheegeen in ay hayaan caddaymo muujinayaan qoysaska madaxdan oo ku raaxaysanaya hudheellada loo yaqaan “5 Star-ka” isla markaana guryo ka dhisto meelo lagu raaxayso oo badda xeeligeeda ah.

Sidoo kale warbixintu waxay tibaaxday in ay caddaymo u hayaan qoyska Madaxweyne Kiir oo qayb ka ah qandaraasyo qaali ah oo la xidhiidha ganacsiga shidaalka, macdanta iyo baananka.

Warbixintu waxa kale oo ay xustay in ay hayaan caddaymo muujinaya Madaxweyne-Xigeen Riek Machar qoyskiisa oo ku nool nolol israaf ah isla markaana qayb ka ah qandaraasyo ganacsi oo qaali ah.

Warbixintu waxa kale oo ay tibaaxday in hay’adda lacagta, baananka, kuwa caymiska, shariikadaha dhismaha, kuwa hubka iibiyo  iyo kuwa arrimaha kala dillaala oo laga leeyahay Yurub, Aasiya, Afrika, Waqooyiga Ameerika iyo Ustareeliya ay dhammaantood musuq ku lug leeyihiin.

Madaxweyne Kiir iyo Ku-Xigeen Machar ayaan weli ka jawaabin eedaymaha ay warbixintani u jeedisay.

BANDHIGE NEWS

Bandhige@gmail.com