Faallo: Doorashadii mugdi baa galey

Waxa Diyaariyey: Xasan Ciise 

Laba arrimoodba mugdi weyn ayey galinayaan in dalkan ay ka dhacdo doorasho xaq iyo xalaal. Ta hore waxa weeyi kala cadeyn la’aanta xuduudihii ay lahaan jireen gobollada iyo degmooyinka dalku taasi oo mar kasta abuuri karta muran u dhaxeeya degeenada ood wadaagta leh sida imika ka taagan deegaanka Lughaya oo dawladii odhan kari la’dahay waxay ay lix daa goobood ka tirsan yihiin degmada Lughaya.

Tan labaadna waxa weeyi wareegtadii uu soo saaray Madaxweynuhu 10/09/2016 ee uu ku kala saarey labada cod bixineed mar in lawada qabta waa tan Baarlamaanka iyo tan Madaxtoodayadda eh waxaanu ku sambayeey kala saaristaas sidan:

  1. in aan Doorashada Golaha Wakiillada lagu gali karin saamiga gobollada ee hadda jira.
  2. in dib-u-eegis iyo dib-u-qaybin lagu sameeyo Saami-qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ee Gobollada, iyadoo tixgelin wayn la siinayo deegaanada Awdal, Sool, Sanaag Bari, Dumarka iyo Dadka laga tirada badan yahay.
  3. in aan u magacaabo guddi qaran oo hawshan soo fududaysa ama isku soo duba-ridda talo sal balaadhan oo qancin karta dhinacyada kala duwan iyo daneeyayaasha sharci.
  4. in la kala qaado Doorashooyinka Wakiillada iyo Madaxtooyada, si loo helo muddo ku filan hawlaha go’aanada sare ku xusan, iyadoo Doorashada Golaha Wakiillada dib loo dhigayo, halka Doorashada Madaxtooyada wakhtigeeda lagu qabanayo.

Halkan ka akhriso lifaaqa uu Madaxweyne Siilaanyo ku kala qaaday labada doorasho ee Madaxtooyadda iyo Baarlamaanka:

http://bandhige.com/madaxweyne-waxa-uu-soo-saaray-degreeto-lagu-qaaday-doorashooyinka-wakiillada-iyo-madaxtooyadda/

Arrintan si kasta oo hadalka loo qurxiyo waxa ay niyad jab iyo kala qoqob ku keenaysaa Somaliland in ay tahay dal qaban kara saddex doorasho oo isla socda sid adduunyada dimoqraadiga ahba ka dhacda mid Madaxweyne, tu Baarlamaan iyo mid gole deegaan. Waxaa kale oo ah mid aan marnaba ururada bulshada rayidka ah iyo xeel dheerayaasha indha-indheeya siyaasada dalka u cuntamayn in baarlamaan laba jeer xiligiisii dhacay hadana mar saddexaad la yidhaahdo la garan maayo si loo qabto doorashadiisa, kaasi baarlamaan inoo noqon maayee waa in waxa kale lagu tilmaamaa.

Waxa ay dad badan ku doodi karaan xisbiayada siyaasada qaarna waa soo dhoweeyeen qaarna waa diideen markaa waa arrin iska macquul ah in dib taa loo riixo tan madaxtooyaddana la qabto, arrinku sidaa ma ah waxaa waddanka ka jira magac ahaan saddex xisbi siyaasadeed laakiin rasmi ahaan waa laba kaliya waa xisbiga UCID waxaan ilaa hada aan kala cadeyn in u yahay mid Qaran iyo mid shakhsi leeyahay ilaa ay maxkamad kala cadeysana Faysalna waa fiin habeen ciday arrinkaasna waxaa si fiican u dhigay Jamaal Cali oo yidhi:

“Ilaa aan maxkamada ku soo kala baxno hawl qaran waxba ka odhan mayno.”

Waana runtii oo waa sida caqliga wacan iyo aqoontuba inoo sheegayaan ayaa ah sida Jamaal sheegay.

Markaa waddanka hadda waxa ka jira Kulmiye iyo Waddani labadaasina mawqifkoodu aad ayuu arrintan ugu kala fog yahay Kulmiye waa dawladii waana iska sune waajib ah in uu taageero dawladiisa laakiin Waddani waxa ugu jira ee uu ku taageeri la garan maayo sidaas ayuuna ku diiday.

Waxa muuqata muddo kordhin in ay fooda inagu soo hayso mid  isaga malaha sidaas baa lagu ansixin tan Madaxtooyaddana dhawaan waxaa la odhan waxaa lagu daray intaas si ay tan baarlamaanka mar loo wada qabto.

In yar waxaan ku laaban Lixda goobood ee deegaanka Lughaya ee buuqa iyo qaylada aan loo baahanayn laga abuuray dawladdu haddii ay maslaxd ka rabto iyada oo aan ciidan iyo jujuub midna ka dhigin ayey dadka deegaanka wada daga u sheegi lahayn si quman diiwaan galintooda xiligaas la qabanayo markii gobolka Awdal la qabtayna lama khiyaameeyeen dadka deegaankaas degan, mid kale  reer Hargeysa ma waxa u haboon in ay in ay degmada Lughayana ku yeeshaan xubno golaha deegaanka ah mise in ay buuq iyo qalaase ku qaataan dhul kolay cidii Illaahay dajiyey uuni ay degan tahay?

Waxaa ila quman in deegaan walb ay dad iyo deegaan ku yeeshaan in ay ka qurux badan tahay buuqa iyo qalalaasaha laga abuurayo meesha, dadka deegaankuna kama soo hor-jeedaan ayaa degan meesha ee waxa ay diidan yihiin meesha maamul ahaan halka la raacinayo.

Gabagabadii waxa aad u so shaac baxaysa in aan la rabin Somaliland sidii looga bartay in ay dhacdo doorasho xalaal ah oo ay ku tartamaan axsaabta jirta xisbiga maanta jiraana waxa uu isku diyaarinayaa in uu ahaado kan kaliya ee waligii caynaanka haya sida uu doonaba ha ku hayee.

Xasan Ciise – Boorama