Xabad joojin cusub ayaa si rasmi ah uga dhaqan gashay dalka Suuriya

Wasiirka arrimaha dibedda dalka Ruushka Sergei Lavrov iyo xogyaha amuuraha dibedda ee dalka Maraykanka John kery oo ku dhowaaqay xabad joojin ka laga hirgeliyo Suuriya oo bilaabmay shalay ayaa waxa si buuxda uga dhaqan gashay guddaha Suuriya.

John Kerry waxa uu hoosta ka xariiqay in carqaladeyn lagu sameeyo xabad joojinta ay jiri karto saacadaha soo socda ama maalmaha.

Waxa uu dhammaan dhinacyada qeybta ka ah ugu baaqay in ay u hogaansamaan qodobada ku xusan heshiiska.

Waxa uu sheegay in Ruushka uu ballan qaaday in madaxweyne Asad uu xushmeynayo xabad joojinta.

Dadka u ololeeya nabadda Suuriya waxa ay sheegayaan in heshiiska cusub uu ka dhaqan galay inta badan deegaamadii lagu dagaallamayay.

Qof deggan magaalada go’doonsan ee Xalab waxa uu BBC-da u sheegay in duqeyntii sida roobka u di’i jirtay ay istaagtay.

Wuxuu intaasi raaciyay in aysan jirin diyaarado hawada Xalab dul heehaabaaya.

Heshiiska xabad joojinta waxa uu soconayaa todobo maalmood.

bandhinge@gmail.com