Hogaamiyaha Xisbiga Dimuqraadiga ee ka tirsan Sanate-ka Maraykanka ayaa sheegay in ay suurto gal tahay in FBI-du sharciga jabisay maadaama oo ay shaaciyeen in hay’adda baadhistu bilowday baadhitaan ay ku hayso emaillo ay suurto galtahay in lala xidhiidhin karo Hillary Clinton.
Harry Reid, ayaa ku eedeeyay agaasimaha FBI-da, James Comey, in uu ku xadgudbay sharci saraakiisha dawladda ka horjoogsanaya in ay qaadaan tallaabo saamayn ku yeeln karta doorashada.
Warka ku saabsan in FBI-du bilowdan baadhitaan ayaa soo baxay iyadoo laba todobaad wax ka yari ka hadhsanyihiin doorashada Maraykanka.
Sidoo kale waxa la sheegayaa in FBI-du heshay fasax maxkamadeed oo ay ku baadhayaan E-maillo badan oo ay lahayd haweenay kaaliye sare u ahayd Clinton.