Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil “Saylici” oo ka hadlayey xaflad ay Maayaradii iyo xildhibaanadii golaha deegaanka ee hore ku soo biireen xisbiga Kulmiye, ayaa waxa markii u horaysay ka kala qaybsaneentii ku timid xisbiga Waddani iyo saamayntay ku lahaayeen xubnihii Isbahaysiga Kulmiye ee cadhooday shirweynhii Golaha Dhexe ee xisbiga Kulmiye.
Ugu horrayn madaxweyne-ku-xigeenku waxa uu caddeeyey in uu xisbiga Kullmiy markii uu mucaaridka ahaa iyo maanta oo uu talada dalka hayaanba xeerarka dalka ilaaliyo, isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi:
Waxanu shalay ahayn xisbi mucaarid ah oo wuxuu ku heshiiyo fuliya, shuruucdana ilaaliya oo golihiisa la yaqaanno, maanta oo aanu xukuumaddii nahayna sidaas si le’eg.”
Isaga oo ka hadlaya kala qaybsanaanta ku dhacday xisbiga Waddani, kaas oo shirkiisii golaha dhexe ee ugu horreeyey laba garab ugu kala jabay, waxaanu yidhi:
“Waxa nasiib-darro ah xisbiga wax tilmaamaya ama wax dhaliilayaa inuu isagu isa saxaa qurux badan, xisbiga Waddani wuu fashilmay wuxuuna ku fashilmay tallaabadiisii koowaad ee uu kusoo saarayey murrashaxiintiisii u tartamayey doorashada soo socota ee uu Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa kusoo saarayey.”
Isagaoo sii sharaxayana waxa uu yidhi:
“Sida uu u fashilmay baan idiin sheegayaaye qarankani waxa uu sameeyey shuruuc, muddadii ay xukuumaddu joogtay markii hore golayaasha qaranku mid waliba xeerkiisa, tirada golihiisa dhexe iyo midda fulinta jeebkuu iskaga haysan jirey cidina lama ogayn, laakiin maanta guddoomiyaha Waddani, ahna guddoomiyaha golaha wakiillada xeerkii uu sameeyey waxa uu qorayaa in gole kasta, xisbi kasta ama ururkasta abuurmaa wixii uu samaysto ee sharci ah, tiro golaha dhexe iyo tiro guddida fulintaba in la geeyo hay’adaha sharciga, dhammaan saddexda xisbi ee soo baxayna tiradooda golaha dhexe, midda fulintuba waxa ay yaalliin hay’adaha sharci oo ay kaw ka tahay xeer ilaalintu, guddida diiwaangelintu, maxkamadda sare iyo waliba komishanka doorashooyinku.”
Cabdiraxmaan Saylici waxa uu bulshada far waaweyn ku fahamsiiyey dhibaatada ka dhex taagan xisbiga Waddani, waxana uu dhibkaas bud-dhig uga dhigay khiyaanada lagu sameeyey tiradii golaha dhexe ee xisbigaas, taas oo ku sheegay qodob loo cuskan karo sida aanu xisigaasi talada dalka ugu haboonayn, isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi:
“Wuxuu ku fashilmay in tiradii u diiwaangashanayd oo aad u koobnayd oo laba boqol iy dheeraad lagu sheegayey in lagu dul daray 500, oo kale oo aan sharci ahayn, ummadduna halkaa in ay fahamto ay tahay waa gole aan jirin oo aan nidaamkii sharci loo marin ayey wax ku doorteen, taasina waa ta keentay caddaalad-darrada, ninka maanta golihiisii maamuli kari waayey qaran maamulkiisa kama sugayno.”
Dhinaca kalena waxa uu ka hadlay xubnihii Kulmiye ka tegay ee ku biiray xisbiga Waddani, kuwaas oo uu sheegay in ay masuul ka ahaayeen afduubka laga dhex sameeyey shirkii golaha dhexe ee Waddani, waxaanu yidhi isaga oo arrimahaas ka hadlaya:
“Saaxiibadayada Kulmiye ka cadhooday waxa ay lahaayeen rag baa loo afduubay xisbiga, annagase xisbi nalooma afduubine golihii dhexe ee ay sameeyeen bay ku kalsoonaan waayeen in ay doorashada kaga qaybgalaan, wax lagu darayna ma jirin, golihii sharciyeysnaa ee hay’adaha sharciga yaallay ayaa lagu kala baxay oo ay ka carareen, afduubkii ay Kulmiye ku sheegeen ayey ka sameeyeen xisbiga ay u tageen.”
Ugu dambayntii Cabdiraxmaan Saylici waxa uu hoosta ka xarriiqay in ay xisbiga Kulmiye majaraha u hayaan halgamaayo taariikhda galay oo u qalma in ay waddanka hoggaamiyaan:
“Maanta waxa aanu ku tartamaynaa oo aanu dadka dheernahay laba mujaahid baa iskugu yimi, kuwaas oo kala ah mujaahidkii halganka iyo mujaahidkii dimuqraaddiyada, aniga oo ah Cabdiraxmaan-na waxaan ahay mujaahidkii dimuqraadiyadda, markaa Kulmiye laba mujaahid baa iskugu yimiye ha u daymo la’aanina.”
Xigasho: Hubaal Media