Haweenayda awoodda badan ee madaxda ka ah Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) Chirstine Lagarde ayaa maanta maxkamad ku taalla Paris ay ku heshay dambi ah in ay dayacday masuuliyaddii ka saarnayd hubinta lacag 420 malyuun oo Doollar ah oo la siiyey nin tujaar ah sannadkii 2007-dii, wakhtigaas oo ahayd Wasiirka Maaliyadda ee Jamhuuriyadda Faransiiska.
Maxkamadda ayaase ka gaws-adagtay in ay xukun ama ganaac ku riddo Christine Lagarde iyadoo ku sababaysay sumcadda ay Lagarde ku leedahay adduunka, xilka ay adduunka u hayso iyo weliba lacagtan oo aanay faa’iido shakhsi ah ka helin.
In kastoo oo go’aankani cambaar ku noqonayo Christine Lagarde oo ka mid ah haweenka dunida ugu sumcadda badan, haddana dhinaca kale waa nabar muddo 9 sanno ah xanuunayey oo bogsaday maadaama aanay hadda xukun-suge ahayn.
Lagarde waa qofkii labaad ee Faransiis ah ee madax ka noqda Hay’adda Lacagta Adduunka ee maxkamad la soo joojiyo iyadoo la maxkamadeeyey ninkii iyada ka horreeyey oo la odhan jiray Election Dominique Strauss-Kahn laguna eedeeyey faro-xumayn uu u gaystay haween.
Il-wareed: Wakaaladaha Wararka.
Bandhige@gmail.com