Madaxwaynaha Nayjeeriya waxa uu aadi doonaa London si looga daweeyo xanuunk ka asiibay dhagaha

Afhayeen u hadlay madaxwaynaha dalka Nigeria, Muhammadu Buhari, ayaa sheegay in madaxwaynuhu uu u safrayo magaalada London si looga daaweeyo caabuq dhagaha kaga dhacay.

Madaxwaynaha ayaa lagu daweeyay gudaha dalka Nigeria laakiin dhakhaatiirtiisa ayaa kula taliyay in baadhitaan dheeri ah lagu sameeyo masuulka.

Afhayeenkiisa ayaa sidoo kale sheegay in todobaatan iyo saddex jirkaas uu toban maalmood oo fasax ah qaadan doono si uu u nasto.

Ku dhwaaqitaanka xaaladda caafimaadka ee Madaxwayne Buhari ayaa imanaysa maalmo uun kaddib markii uu daqiiqadihii u dambeeyay baajiyay booqasho uu ku tagi lahaa Niger Delta.