Maydkii Muxamed Cali oo la geeyay Louisville

Maydka Muxamed Cali ayaa la geeyay magaaladii uu ku dhashay ee Louisville, ee  gobolka Kentucky, halkaas oo Jimcada lagu aasayo.

Maydka Muxamed Cali ayaa waxa la soo dhex mariyey magaalada oo uu hore caan uga ahaa, kuna soo barbaaray yaraantiisii.

Maxamed Cali waxa uu kamid ahaa dadka sida gaarka ah loogu xushmeeyo ciyaaraha waxaana looga soo tacsiyeeyay daafaha caalamka.

Maalintii jimcada ee aan soo dhaafnay ayuu ku dhintay xanuun sababay heerka dhiigiisa oo gaadhay meeshii ugu hooseysay.

Aaskiisa ayaa la filayaa inuu ka dhoco meel fagaare ah oo dadka oo dhan ay ka qeybgali karaan.

bandhige@gmail.com