Madaxwaynaha oo Ka Qayb-galay Aas Qaran oo Hargaysa loogu Sameeyay Marxuum Axmed Xasan Muuse

Hargeysa (Dawan) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa shalay ka qaybgalay aas qaran oo loo sameeyey Marxuum Axmed Xasan Muuse oo ka mid ahaa 25-kii Xubnood ee Golihii Gacaanka ee Jamhuuriyadii Burburtay ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo ay wehelinayeen xubno ka mid ah golihisa wasiirrada ayaa ka qaybgalay aaska qaran ee loo sameeyey Marxuum Axmed Xasan Muuse oo ka mid ahaa saraakiishi sarsare ee xilal kala duwan ka soo qabtay dalkii la isku odhan jiray Jamhuuriyadii Soomaaliya ee burburtay, iyada oo marxuumku ku geeriyooday Dalka Maraykanka shalayna la keenay Caasimada Hargeysa iyadoo lagu aasay Xabaalaha Halleeya.

Waxaana madaxweynaha qaranka kala qaybgalay aaska qaran Gudoomiyaha Golaha Guurtida, Gudoomiyaha Golaha Wakiilada, Xubno ka mida Golaha Wasiirrada, gudoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex, Xildhibaano, taliyeyaasha Ciidamada, ganacsato, madaxda dhaqanka, siyaasiyiin iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxwaynaha ayaa marxuumka ku sifeeyay qof wanaagsan oo cibaadad ku wanaagsan, dadkuna ay ka nadab galeen, waxaanu ILLAAHAY marxuumka uga baryay inuu janooyinkiisa ku arsaaqo, Kitaabkiisana gacanta midig ka saaro.

 

 

 

Xigahso:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com